Gudoomiyayaasha iyo musharaxiinta M/weyneyaasha Axsaabta SL oo wata udbahoodii iyo dhigahoodii oo ku sii qulqulaya London iyoayaa safarkoodu daaran yahay.qaadhaan iyo lacago inay kasoo helaan tageerayooshooda
Haddaba Afhayeenka Komishinka doorashooyinka Somaliland Maxamed Xirsi Geelle ayaa shaaciyey dhawaan in deeq bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashooyinku cadeeyeen inaanay diyaar u ahayn inay bixiyaan kharashka Muraaqibiinta axsaabta siyaasada goobjoog ugu noqon doona goobaha doorashada maalinta codbixinta 28-ka Novenbar oo urur kastaaba goob kasta oo codbixineed keensan doono laba qof oo ka ilaaliya ku shubasho iyo wixii isdabamarina ficiladaa oo badiyaaba ka suurtogala xisbul xaakinka.
MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Afhayeenku wuxuu sheegay in deeq bixiyayaashu sabab uga dhigeen diidmadooda tirada axsaabta iyo muraaqibiintooda oo badan awgeed ,Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in deeq bixiyayaasha inaga taageera dhaqaalaha doorashooyinku soo jeediyeen in axsaabtu kasbadaan Saaxiibo iyo Mutadawaciin ka caawiya dhaqaalaha muraaqibiinta balse aan markasta Masaasad afka loo gelin.
Afhayeenka Komishinka doorashooyinku wuxuu ku celceliyey in doorashadu dhici doonto waqtigii ay u mudeeyeen ee 28ka Novenbar 2012ka,wax caqabad oo hortaaganina aaney muuqan, dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashadana gacantooda ku jiro.
Dhinaca kale durbaba waxaa bilaabmay Safaro isdab-yaaca oo hogamiyayaayasha Axsaabta Somaliland qaarkood ku galaabixinayaan wadamada Yurub halkaas oo ay ka raadinayaan lacag iyo dhaqaale ay ku deberaan hawlaha axsaabtooda iyo muraaqibiintaba.
Sida ilo xogogaal ahi ay xaqiijiyeen waxaa kiyuu ku jira, kuna sii jeeda Dalka Ingiriiska, gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye JAAMAC SHABEEL iyo wafti uu hor kacayo oo tageerayssaha kulmiye la kulmi doona waxaa iyana soo jeeda Gudoomiyaha iyo musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka UCID Faysal Cali Waraabe,Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo Hargeysa ka sii kaxaysan doona Udbahooda iyo Dhigahooda oo laga sugaayo London 22ka Semptembar.
Sidoo kale waxaa u xamaan urursanaya tegitaanka Uk iyo Yuruba Gudoomiyaha/ Musharaxa ururka UMADDA Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo hadda ku sugan Adis-ababa balse isna la filaayo inuu Hargeysa ka sii kaxeysan doona Kaadiriintiisa. Sidoo kale Gudoomiyaha uruka WADANI/GOLAHA WAKIILADA Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isna sii kaxaysan doona Xildhibaano iyo Qurbo-meer badan ayaa la filayaa inuu wadamada Yurub ee Qurbajooga reer Somaliland ku badan yihiin badidooda cagta soo marin doono.waxaa iyana ceeb iyo wajigabax kala kulmay safaarada ingiriiska Warancadee oo ay dawlada ingiriisku u diiday fiisaha iaydoo sababah loo malaynayo warancadde oo lagu eedeeyo inuu galay danbiyo dagaal iyo qaar musuqmaasuq
Isku soo wada duuboo Afhayeenka komishinka Geelle wuxuu hadalkiisa ku soo ururiyey in axsaabtu u diyaargaroobaan doorashada dawladaha hoose waqtigii loo mudeeyay,islamarkaana ku talo galaan ama deberaan kharashaadka ku baxaaya muraaqibiinta ay u soo dirsan doonaan goobaha codbixinta maalinta doorashada.
Axmed cumar xirsi
hargeysa somaliland tel 4425671
boongo2@hotmail.com
*************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga