Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


djabuuti oo isku diyaarinaysa qaxooti uga yimaada Somaliland by faarax warsame


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 19, 2012
Saraakiil ka tirsan hayadaha qaramada midoobay ee u qaabilsan daryeelka qoxootiga ee UNHCR oo fadhigoodu

Saraakiil ka tirsan hayadaha  qaramada midoobay ee u qaabilsan daryeelka qoxootiga  ee UNHCR  oo fadhigoodu yahay jamhuuriyada Jabuuti  iyo hay?ada wadaniga ee ONARIS ee jabuuti   ayaa maalmahan u danbeeyay ku hawlan dib udhiska

, hagaajinka iyo balaadhin  xerooyinka  qaxootiga ee Cali Cade  iyo Hol Hol oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee Jamhuuriyada Jabuuti kadib markii ay ka war heleen shaqaaqo ka abuurantay degaamo hoostaga degmada saylac  oo abuuri karta barokac labaad oo Soboba qaxooti tiro badan oo soo gala dalka yare ee  Jabuuti oo markii horeba la ciirciirayay 16.000 oo

qoxooti  Somali , itoobiyaan iyo eritreayn ah.

Sida wararku sheegayaan waxa murano dhul  iyo  aanooyin hore oo la siyaasadeeyay ka dhextaagin yihiin laba qabiil oo wada degan  tuulooyinka Heemaal, Cabdulqaadir,  iyo Habaas kuwaas oo nimba dhankiisa ka tirsanayo dhibaato loo gaystay  iyo dhul laga haysto iyadoo  28 november  2012 la filayoo inay dhulkaa ka qabsoomaan doorashooyin golaha degaanada oo markale dabkka ku sii hurin kara shaqaaqadii markii horeba  taagnayd

Sarkaal ka tirsan hayada wadaniga ONARIS  ee jamhuuriyada jabuuti u qaabilsan qaxootiga ayaa welwel ka muujiyay qaabilaada qaxooti horle oo uga yimaada Somaliland iyagoo  sanadkan  2012 dib u furey xeradii HOLHOL camp si ay culeyka uga yareeyaan Kaamka kale ee Cali cade.  Waxaanu intaas ku daray  inay  kala hadli  doonaa  jamhuuriyada Somaliland iyo dhamaanba cidii ay khusayso si looga hortago qaxootigaas markale kusoo fatihi doona jamhuuriyada jabuuti.

faarax warsame

 

*************************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.