si faahfaahsan shuruucda kala duwan ee soomaaliland.
Ugu horeyn waxaynu ka bilaabi doonaa dastuurka dalka
Dastuurka jamhuuriyada Somaliland
Inta aynaan u galin ka waranka dastuurka Somaliland aynu ka jawaabno waa maxay dastuur?
Dastuur oo luuqada englishka lagu yidhaa?constitution?kana yimi eray latin ah macnihiisuna yhay ?arrange?? habayn? ayaa marka qeexidiisa la soo kobo u dhigan sidan ??waa bug qeexa ama sheega nooca, shaqada, qaabka maamul,xuquuqeed iyo astaanta xukun ee dal leeyahay ama si kooban ??waa heshiiska u dhexeeya dadka iyo cidii ay xukunka u dhiibteen.
Hada hadii aynu u soo noqona dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxuu uu ka koobayahay 5 qaybood iyo 130 qodob(five chapters and 130 articles),waxaanay kala yihiin sidan.
Qaybta laad
Xubinta laad
Tilmaanta Guud
1- Qod. laad: Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland
2- Qod. 2aad: Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
3- Qod. 3aad: Magaalo-madaxda
4- Qod. 4aad: Jinsiyadda
5- Qod. 5aad: Diinta
6- Qod. 6aad: Afka
7- Qod. 7aad Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka
Xubinta 2aad
Mabaadi´da Guud
8- Qod. 8aad: Sinnaanta Muwaadiniinta
9- Qod. 9aad Nidaamka Siyaasadeed
10- Qod.l0aad Xidhiidhka Debedda
11- Qod. 1laad: Dhaqaalaha Dalka
12- Qod. l2aad: Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax soo-saarka Wadaniga ah
13- Qod. l3aad: Baananka
14- Qod. l4aad: Cashuuraha Takaaliifta iyo Ribada
15- Qod. l5aad: Waxbarashada Dhallinyarada iyo Isboortiga
16- Qod. l6aad: Horumarinta Cilmiga iyo Suugaanta Hiddaha iyo Dhaqanka
17- Qod l7aad: Caafimaadka
18- Qod l8aad: Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada Aafooyinka
19- Qod. l9aad: Daryeelka Qaybaha Bulshada Baylahsan
20- Qod. 20aad: Shaqada, Farsamada, Daryeelka iyo Badbaadinta Shaqaalaha
Xubinta 3aad
Xuquuqda Qofka, Xorriyaadda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Saaran Muwaadinka
21- Qod. 2laad: Hirgelinta iyo Fasiraadda
22- Qod. 22aad: Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho iyo Xaqa Doorashada
23- Qod. 23aad: Xorriyadda Dhaq-dhaqaaqa iyo Is-abaabulka
24- Qod. 24aad: Xaqa Nolosha, Nabadgelyaynta Jidhka, Xurmaynta Magac-samida iyo Dambiyada laga galo Xuquuqda Aadamiga
25- Qod. 25aad: Xaqa Xorriyadda Dammaanad Qaadka iyo Shuruudaha Xuquuqda iyo Xorriyaadka
26- Qod. 26aad: Ciqaab iyo Dembi
27- Qod. 27aad: Xuquuqda Qofka Xorriyadda laga qaaday
28- Qod. 28aad: Xaqa Dacwadda iyo lsdifaaca
29- Qod. 29aad: Xurmaynta Hoyga
30- Qod.30aad: Xorriyadda Isgaadhsiinta
31- Qod 3laad: Xorriyadda Lahaanshaha Hanti-gaarahaaneed.
32- Qod. 32aad: Xorriyadda Bannaan-baxa iyo Ra´yi Dhiibashada, Saxaafadda iyo War-baahinta Kale
33- Qod. 33aad: Xorriyadda Caqiidada.
34- Qod. 34aad: Waajibaadka Muwaadinka iyo Ciqaabta Gudasho La´aanta
Waajibaadka
35- Qod. 35aad: Isu Celinta Eedaysanayaasha Ama Dembiilayaasha iyo
Magangelinta Siyaasadeed .
36- Qod. 36aad: Xuquuqda Haweenka
Qaybta 2aad
Qaab-dhismeedka Qaranka
37- Qod. 37aad: Awoodda iyo karaamada Qaranka
Xubinta laad
Waaxda Xeer Dejinta
38- Qod. 38aad: Baarlamaanka iyo Fadhiyada Wada Jirka ah
Golaha Wakiilada
39- Qod. 39aad: Tilmaanta Guud ee Golaha
40- Qod. 40aad: Tirada Golaha iyo Doorashadusa
41- Qod. 4laad: Shuruuradaha Qofka lsu Taagaya Doorashada
42- Qod. 42aad: Muddada Xilka iyo Xilliga Doorashada
43- Qod. 43aad: Xarunta Golaha
44- Qod. 44aad: lsugu Yeedhidda Goloha Cusub
45- Qod. 45aad: Fadhiyada Golaha Wakijiada
46- Qod 46aad: Kal-fadhiyada iyo Habaynta Golaha Wakiilada
47- Qod. 47aad: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Wakiilada
48- Qod. 48 aad: Reebbanaanta Qabashada Xil Kale
49- Qod. 49aad: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Wakiilada
50- Qod. 50aad: Waayidda Xubinimada Golaha Wakiilada
51- Qod. 5laad: Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
52- Qod. 52aad: Shaqaalaha Golaha Wakiilada
53- Qod. 53aad: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada
54- Qod. 54aad: Awoodda Xeer-dejinta ee Golaha Wakiilada
55- Qod. 55aad: Miisaaniyadda
56- Qod. 56aad: Kala Diridda Golaha Wakiilada
Xubinta 2aad
Golaha Guurtida
57- Qod. 57aad: Tilmaanta Guud ee Golaha Guurtida
58- Qod. 58aad: Doorashada Xubinta Golaha iyo Muddada Xilka
59- Qod. 59aad: Shuruudaha Qofka bo Dooranayo Golaha Guurtida
60- Qod. 60aad Tirada Golaha Guurtida
61- Qod. 6laad: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha Guurtida
62- Qod. 62aad: Fadhiga ugu Horeeya ee Golaha Guurtida
63- Qod. 63aad: Xoghayaha Golaha iyo La-taliyayaal
64- Qod.64aad: Xeer-hoosaadka Golaha
65- Qod. 65aad: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Guurida
66- Qod. 66aad: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Guurtida
67- Qod. 67aad: Shaqo-ka-tegidda Xubinta Golaha Guurtida
68- Qod. 68aad: Waayidda Xubinimada Golaha Guurtida
69- Qod. 69aad: Kala-diridda Golaha
70- Qod. 70aad: Reebbanaanta Qabasho Xil kale iyo uga Faa?iidaysiga XiIka Dano Gaar ah
71- Qod.7laad: Fadhiyada iyo Kal-fadhiyada
72- Qod. 72aad: Bannaanaanshaha Jagada Golaha Guurtida iyo soo Buuxinteeda
73- Qod. 73aad: Xarunta Golaha Guurtida
74- Qod. 74aad: Soo Bandhigidda Mashruuc-Sharci
75- Qod. 75aad: Soo-saaridda, Faafinta iyo Dhaqan-gelinta Xeerka
76- Qod. 76aad: Mashruuc-sharci
77- Qod. 77aad: Habka loo Raaco Xeer-dejinta
78- Qod. 78aad: Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa Maaliyadda
79- Qod. 79aad: Eedaynta Xubnaha Golayaasha
Qaybta 3aad
Waaxda Fulinta
Xubinta laad
80- Qod. 80aad: Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
81- Qod. 8laad: Waaxda Fulinta
82- Qod. 82aad: Shuruudaha Qofka loo Dooranayo Madaxweyne ama Madaxweyne-Ku-xigeen
83- Qod. 83aad: Habka Doorashada
84- Qod. 84aad: Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha
85- Qod. 85aad: Waxyaabaha ka Reebban Madaxweynaha
iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
86- Qod. 86aad: Bannaanaanta Jagada iyo Habka uu Madaxweynuhu ama Madaxweyne Ku-xigeenku Xilka uga Tegi karo
87- Qod. 87aad: Mushaharka iyo Gunnada
88- Qod. 88aad: Muddada Xilka
89- Qod. 89aad: Habka Buuxinta Jagada Bannaanaatay
Xubinta 2aad
90- Qod. 90aad: Awoodaha Madaxweynaha
91- Qod. 9laad: Awoodaha Madaxweyne Ku-xigeenka
92- Qod. 92aad: Awoodaha kale ee Madaxweyne ee La Xidhiidha Xeerarka Degdegga ah.
93- Qod. 93aad: Hab-maamuuska Madaxda Sare ee Qaranka
94- Qod. 94aad: Golaha Wasiirada
95- Qod. 95aad: Sii-haynta Xilka
96- Qod. 96aad: Eedaynta iyo Maamuus-ka-Xayuubinta Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Wasiirada
Qaybta 4aad
Xubinta laad
Waaxda Garsoorka
97- Qod. 97aad: Waaxda Garsoorka
98- Qod. 98aad: Awoodda Garsoorka u Gaarka ah
99- Qod. 99aad: Dhismaha Garsoorka
100- Qod.l00aad: Maxkamadaha
101- Qod. 101 aad: Maxkamadda Sare
102- Qod.l02aad: Maxkamadaha Hoose
103- Qod. 103aad: Xeer-ilaalinta
104- Qod. 104aad: Maxkamadaha Ciidamada iyo Xeer-ilaalintooda
105- Qod. 105aad: Magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare
106- Qod. 106aad: Xidhiidhka Hay´adaha Garsoorka iyo Wasaaradda Cadaaladda
Qaybta 5aad
Qodobo kala duwan
Xubinta laad
107- Qod. 107aad: Guddida Cadaaladda
108- Qod. 108aad. Hawsha Guddida Cadaaladda
Xubinta 2aad
109- Qod. 109aad: Qaab-dhismeedka Dalka
110- Qod. 110aad: Maamuulka Gobollada iyo Degmooyinka
111- Qod. 11laad: Golayaasha Gobollada iyo Degmooyinka
112- Qod. 1 l2aad: Baahinta Awoodda Maamulka
Xubinta 3aad
113- Qod. 113aad: Hay´adaha Dawadda ee Gaarka ah
114- Qod. I l4aad: Magacaabista iyo XiI-ka-Qaadista Madaxda Hay?adaha
115- Qod. 115aad: Guddida Culimada iyo Waajibaadka Guddida
116- Qod. ll6aad: Tirada Guddida iyo Muddada Xilka
117- Qod. 1l7aad: Shuruudaha Xubnaha
118- Qod. 1l8aad: Waxyaabaha ka Reebban Xubnaha
119- Qod. ll9aad. Magacaabidda Xubnaha Guddida Culimada
120- Qod. l20aad. Bannaanaanshaha Xubinimada Guddida Culimada
121- Qod. l2laad: Mushaharka iyo Gunnada
122- Qod. l22aad. Xeerka Hay´adaha
Xubinta 4aad
123- Qod. l23aad: Mabaadi´da Ciidanka Qaranka
124- Qod. l24aad: Ciidamda Booliska iyo Asluubta
125- Qod. l2Saad: Diyaarinta Xeerka Aftida iyo Magacaabidda Guddida Qabanqaabinta Aftida
126- Qod. l26aad: Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda Dastuurka
127- Qod. l27aad: Xuduudda Wax-ka-Bedelka iyo Kaabidda Dastuurka
128- Qod. l28aad: Saldhigga iyo Sarraynta Dastuurka
129- Qod. l29aad: Dhaarta Dastuuriga ah
130- Qod. l30aad: Dhaqan-gelinta Dastuurka iyo Qodobada kala guurka
Qodobadan oo faah faahsan waxaan idinku soo gudbindoonaa insha alaah maqaalka danbe
By: GARYAQAAN : ABDIRIZAK ALI YUUSUF
KAMBALA UGANDA Gaani134@hotmail.com
+256792660392
LASOCO......................................................
*************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga