Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Iyo Suldaan Xuseen Oo Lagu Xidhay Xarshin Iyo Dadwaynaha Degmadasi Oo Mudaharaad Ballaadhan Sameeyey


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 22, 2012
Harta-Sheekha(HWN)-Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo uu wehelinayey Suldaan Xuseen oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka

Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo uu wehelinayey Suldaan Xuseen

Harta-Sheekha(HWN)-Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo uu wehelinayey Suldaan Xuseen oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargaysa (Sacad-Muuse) ayaa Ciidamada Liyuu Booliis ee Degmada Xarshin ee ka tirsan Deegaanada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Xabsiga Magaaladaasi u taxaabeen, ka dib markii ay Labadii Maalmood ee ugu danbeeyey ay Shirar kula yeesheen Dadka Deegaanada Harta-Sheekha, oo ay kaga hadlayeen sida laga yeelayo Dhibaatooyinka ay Ciidamada Liyuu Booliisku ku hayaan Dadka Deegaanadaasi.

Suldaan Xasan iyo Suldaan Xuseen ayaa Subaxnimadii hore ee

Maanta u socdaalay Degmada Xarshin oo ay damacsanaayeen in ay Shirar kula yeeshaan Dadka Deegaanka Xarshin, halkaasi oo ay gaadheen isla gallinkii hore ee Maanta, Haseyeeshee ay Ciidamada Liyuu Booliisku u taxaabeen Xabsiga intii aanay Sal-dhiginba.

Sida ay ku soo waramayaan Dad ku sugan Magaalada Xarshin ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Dadka ku dhaqan Magaaladaasi ay Mudaharaadyo ballaadhan ku gilgileen Maamulka Magaalada, kaasi oo ay kaga soo hor-jeedaan Xadhiga lagula kacay Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan, iyo Suldaanka wehelinaya, waxaanay sheegayaan in ka dib markii ay Nabadgalyadu faraha ka bixi gaadhay ay Ciidamada Federaalka ee ku sugan Magaalada Xarshin ay la wareegeen Amniga Labada Suldaan iyo gacan ku hayntoodaba, isla markaana ay wakhti xaadirkan hayaan.

Warku waxa uu intaa ku darayaa, wallow aanu si rasmi ah u joogsan Mudaharaadku, hadana intii hore ka xamaasad yaraaday. Iyada oo sidoo kale Warku sheegayo in Mudaharaad ballaadhan oo Isagana lagaga soo hor jeedo Xadhiga Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan uu Galabta ilaa Cawayskii Fiidnimo ee Caawa uu ka socday Magaalada Harta-Sheekha, kaasi oo ay ku muujinayeen sida ay uga soo hor jeedaan Xadhiga ay Ciidamada Liyuu Booliisku kula kaceen Salaadiinta.

Xadhiga Salaadiintan ee ay Ciidamada Liyuu Booliiska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kula kaceen Salaadiinta Subeer Awal iyo Sacad Muuse ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan ay Isla Ciidamada Liyuu Booliisku ay Dilal ka gaysteen Deegaano u dhexeeya Degmooyinka Xarshin iyo Dhagax-buur, iyo Boob Hantiyeed oo ay kula kaceen Tuullo hoos timaada Degmada Xarshin, halkaas oo Dadka Deegaanadasina ay Iska caabin xoogan kala hor tageen Ciidamada Liyuu Booliiska oo Muddooyinkan ugu danbeeyeyba Marba Beel ka tirsan Beelaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kula kacaya Dil, dhac, hanjabaad, iyo haddidaad.
 
 

Hadhwanaagnews Gabiley Office   
  


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.