Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Cuqaal Iyo Oday-Dhaqameedyo Si Adag Uga Jawaabay Eedaymo Ka Soo Yeedhay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Odayaal.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 22, 2012
Gabiley(HWN)-Cuqaal iyo Oday-dhaqameedyo ka mid ah Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gabiley ayaa si adag uga jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley

Gabiley(HWN)-Cuqaal iyo Oday-dhaqameedyo ka mid ah Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gabiley ayaa si adag uga jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley iyo xubno ay ku tilmaameen inay sheegteen Cuqaal oo Wargayska Jamhuuriya Cadadkii Maalintii Jimcihii ku baahiyey Warbixin ay Eedaymo cul-culus ugu soo jeediyeen Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Fadhiisinka Banka Wajaale oo ay ku eedeeyeen in uu tacadiyo iyo haddidaad ugu gaysto Labada Beelood ee oodwadaagta ku ah Deegaanka Banka Tog-wajaale, Isla markaana ku tilmaameen Taliyaha inuu ku tagri-falo Khayraadka Deegaanka Banka oo ay xuseen in uu kolba labada Beelood ka kireeyo Daaqa, taasi oo ay hoosta ka xariiqeen in ay keenayso Iska hor imaad labada Beelood gudahooda ah.


Cuqaashani ayaa Jawaab-celintoodani waxa kale

oo ay ku xuseen in Xildhibanada iyo Xubnahaa sheegtay Cuqaashu in aanay Aqoon u lahayn Deegaankaa ay ka hadleen, isla markaana ka hadalkooda Arrintani ay tahay oo kaliya Kaambayn raadis iyo wixii la hal maala.

Cuqaashan ayaa arrimahan kaga hadlay Shir-Jaraa?id oo ay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews Xafiiskiisa Gabiley ku siiyeen Maanta gallinkii danbe, waxaana ugu horreyn ka hadlay Caaqil Maxamed Cige Geele oo ugu horreyn ka hadlay halkaasi ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa: ?Waxaan doonayaa in aan Umada u bayaamiyo Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, iyo qaar isku sheegay inay yihiin Cuqaal, laakiin aan ahayn Cuqaashii Beesha Reer Xareed ee ku hadali karta Magaca Beesha, kuwaas oo eedaymo ugu soo jeediyey Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Banka Wajaale, waxaanay ku eedeeyeen in Taliyuhu fidmo ka dhex wado Labada Beelood ee wada dega Banka Wajaale, kana kireeyo Beeraha Banka Wajaale ee Ood-wadaagta ku ah halkaasi ee Reer Xareed iyo Reer Nuur,?. Ayuu yidhi Oday Cumar Barkhad.

Waxaanu ku daray hadalkiisa: ?Hadalkaasi, horta waa hadal meel waayey, Arrimo badan oo in laga hadlaa ay haboon tahay ayaa jira, Halkaasina(Banka Wajaale) way nabdoon tahay, oo Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku haya, Dawlada ayaa Labaatankii sano ee Somaliland jirtayba gacanta ku haysay, Qarankaanay u taala siday ka yeelayaan haday qodanayaan iyo haday beerayaanba, Laakiin hadalkaasi waa mid Xaalad lagu abuuranayo iyo Xod-xodasho kale, Oogadaa sarena horeba way u nabdoonaan jirtay, iyada oo Mushkiladi taalo Deegaanka Ceel-bardaale, oo Dadka iyo Labada Beeloodba way is dhex socdeen, oo wada daaqayeen, oo Biyahana ka wada cabayeen Balliyada (Harooyinka), dhibtuna waxay ku koobnayd Waqooyi, oo Lexo-jeclo mooyaane aanay jirin wax kale oo la isku hayaaba?. Ayuu yidhi Oday Cumar Barkhad Bullaale.

Isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: ?Nimankaa Xildhibaanada ah ee Xaalad aan jirin ka hadlayaana Maalin kaliya kamay hadal dhibaatooyinkaa Ceel-bardaale ku kala gaadhay Labada Beelood ee Wallaalaha ah, Maalin kaliya kamay hadal Abaarihii ba?naa ee Deegaanadan ay matalayeen ka dhacay oo Xukuumada Gurmad ugamay dalbin, Imikoo Wakhtigoodii gabo-gabo yahayna loogama fadhiyin in ay u hadlaan, Intaa hadashayna hadii manta la yidhaa kaalaya bal Deegaankan aad ka hadlaysaan na soo tuso, mid arkay iyo mid garanayaa midna ma jiro, waxay kaga hadlaana waa faduul?. Ayuu ku soo gaba-gabeeyey Hadalkiisa Oday Cumar Barkhad Bullaale

Waxa kale oo Isaguna isla Shirkaa-Jaraa?id ka hadlay Caaqil Maxamed Cige Geele(Gaydh) oo sheegay in Afka Beesha ay ku hadli karaan oo kaliya Cuqaasha Beesha Reer Xareed ee aanay ku hadli Karin Niman Warbaahinta Telifoonada kala hadlaa. 

Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Hadhwanaagnews Gabiley Office    
 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.