Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Oo Ka Hadlay In Doorashada Deegaanadu Ka Qabsoomi Doonto Buuhoodle


(Hadhwanaagnews) Sunday, September 23, 2012
Hargeysa, -(HWN) ? Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Aadan oo ka mid ah Garaadada waaweyn ee deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in beelihii colaadu ku dhexmartay deegaanka Kalshaale ay si buuxda iskula qaateen in shir lagu nabadaynayo

Hargeysa, -(HWN) ? Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Aadan oo ka mid ah Garaadada waaweyn ee deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in beelihii colaadu ku dhexmartay deegaanka Kalshaale ay si buuxda iskula qaateen in shir lagu nabadaynayo ay isku soo hor fadhiistaan, waxaanu tilmaamay in beesha deegaanka Qori-lugud laga sugayo goobta shirkaasi lagu qaban doono, waxaanu intaa ku daray in heshiiskii dhexmaray waftigoodii Buuhoodle ee socdaalka ku yimid Hargeysa ee xukuumada Somaliland heshiiska ay wada gaadheen uu sidiisii yahay, isla markaana hawlihii kale ay ku guda jiraan.

 
Garaad Maxamed waxa kale oo uu sheegay inaanay doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28 November 2012-ka aanay ka dhici doonin deegaanada Buuhoodle, balse in doorashooyinka dambe ay ka

qabsoomi doonaan.
 

Garaadku waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo jooga degmada Buuhoodle, kaas oo sidoo kale mahadnaq uga soo jeediyay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo fulinta qodobadii ay ka codsadeen, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ?Hawlihii nabadaynta ee labada beelood ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Kalshaale meel fiican bay noo maraysaa, waxaana la sugayaa beesha Qori-lugud halkii shirkaasi lagu qaban, waxaana naga go?an inaanu labada beelood isku keeno?

 
Garaadka oo aanu waydiinay in doorashada golayaasha deegaanku ka qabsoomi doonto degmada Buuhoodle, waxa uu yidhi ?Doorashadan hada lagu jiro diyaar-garowgeeda hada kama qabsoomayso degmada Buuhoodle, balse doorashooyinka dambe rajo weyn baanu ka qabnaa inay ka qabsoomaan, heshiiskii nabadeed ee xukuumada Somaliland waa sidiisii oo hawlihii kale ee hadhsanaa ayaanu ku jirnaa, wasiirada arrimaha gudaha Duur iyo wasiirka Madaxtooyadana wxaan uga mahadnaqayaa doorkii ay ka qaateen socdaalkii aanu ku nimid Hargeysa?
 
 
 
 
 
Haatuf.
 
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.