SCM
SHACABKA SOMALIYED MEEL KASTE OO Aad ADUUNKA KA JOOGTAAN
WAAD SALAAMANTIIN.
BAHDA SAXAAFADA AAD AYAAD UGU MAHADSANTIHIN SIDA WANAAGSAN EE AAD UMADIINA UGU ADEEGTAAN .
MAANSADAN GAABAN WAXAAN KU TILMAAMAYAA NOOCA UU YAHAY MADAXWAYNAHA SHACABKA SOOMAALIYEED U BAAHNAAYEEN ISLA MARKAANA WAXAAN DUCO UGA DHIGAYAA MADAXWAYNAHA DAWLADA FEDERALKA SOMALIYA PRO:XASAN SH.MOHAMOUD INUU ILAAHAY KA DHIGO KII SHACABKU SUGAYEEN XILKAA UU QABTAYNA ILAAHAY LA GARAB GALO UNA FUDUDEEYO .
♣ Saatiraw allahayaw
♣Subxaanaw raxmaanaw
rgb(255,255,255); FONT-FAMILY: ´lucida grande´,tahoma,verdana,arial,sans-serif; COLOR: rgb(51,51,51)">♣Sareeyaw dhamaysaw
♣Samiicaw basiiraw
♣Kii samada taagee
♣Khalqiga sameeyee
♣Soomaali uumaw
♣Adigaa sabuuuroo
♣Ka nasahan xumaanoo
♣Sadriga adoomaha
♣Dusha sare ka joogoo
♣Daalac kaga sameeyee
♣Saatiraw allahayaw
♣Soomaali idilkeed
♣Maanta sacabadeedii
♣Sare bay u qaadeen
♣Su,aal kaaga yeeleen
♣Inaad samata bixisoo
♣Ku sugtoo wanaagaa
♣Soo ifaala baxayee
♣Ay u wada saruureen
♣Sareeyaw allahayaw
♣Madaxwayne saadiqa
♣Madaxwayne saalixa
♣Madaxwayne saafiya
♣Dalka sare u wadi kara
♣Dadka seem ka dhigi kara
♣Sinaantana ku dhiqi kara
♣Cadaalad samayn kara
♣Horrumar salixi kara
♣Caafimaadka sugi kara
♣Ka sal gaadha nabadana
♣Xumahana ka saahida
♣Eexdana ka saalima
♣Khilaafkana sixi kara
♣Samafal ku caan baxay
♣Shacabkuna samiicaan
♣Kaasaan sugaynoo
♣Aan u soomanaynoo
♣Saadaalinayneee
♣Aanu samada gaadhnoo
♣La safano aduunkee
♣Saatiraw allahayaw
♣Nooga yeel saliimkaa
♣Maanta aanu soocnee
♣Codka aanu siinee
♣Xilka aanu saarnee
♣Soomaali shacabkeed
♣AY U SACAB GARAACEEN
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
by:
AHMED KHALIF M JAMA
*************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga