hadii uu mujaahidku halkaas kasii ambaqaado in uu dalka gaadhsiindoono horumar balaadhan iyo shaqo abuur base waxaad moodaa in hogaaminta madaxweyne siilaanyo in ay dalka mugdi iyo madmadow uu galiyey sidaa daraadeed markii loo kuurgaley ilo xog ogaal ah oo u dhuundaloola madaxtooyada waxey cadeeyeen in caafimaadka madaxweyne siilaanyo ay wax weyni iskabedeleen oo ay kasoo if baxdey mudo yar intii uu madaxweynuhu uu kursiga soo fadhiistey calaamadaasi oo markii hore lamoodaayey daal farabadan oo ilaa iyo qaaxo isasoo biirsanaayey balse marii in mudo ah lala tacaalaayey la ogaadey in ay marba marka kadanbeeya ay isasoo tareyso waxaana lagu salidey madaxweynuhu markuu saacad joogaba in uu hurdo galaayo hadana markuu hurdo mudo saacad ah in uu indhaha sookala qaadaayo oo uu hadana markuu saacad uu soo jeedo uu hadana hurdo tii hore kadaran uu galaayo marmar waxey sheegaan ilaha u dhuun daloola madaxtooyadu in uu madaxweynuhu isaga oo suuliga ku jira markuu kuraago in lasoo hubiyo oo quuro aad udheer laga maqlo suuliga dhexdiisa kadibna inlagasoo toosiyo calaamadaasi kasoo ifbaxdey waxey isku dayeen in ay latacaalaan balse markii ay tahli waayeen in ay awoodii dalku ugacan gashey dad aan lasoo dooran oo aqoontoodu hooseyso waxaana kow ka ah marwada madaxweynaha oo awooda dalka hada madbakha loogataliyo iyo wasiirka madaxtooyada oo adkeeyey booqashadii madaxweynaha loogu tagijiray oo hada ay adagtahey sidaad ku aragtaa madaxweynaha.
waxaan kaloon idiin iftiimin doonaa beryahan arin ay saxaafadu aad uga hadashey oo ku saabsan labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha baarlamaanka cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi arintaa oo dadka kala dhexdhigtey hsaki iyo tashuush farabadan iyo dowlala oo mabda eeda u banbaxdey kunataageertey gudoomiyuhu inuu ku sax sanyahey labada xil ee uu isku hayo balse waxaan idiin sheegayaa burburkii uu ku sameeyey cabdiraxmaan ciro xisbigii UCID waxaa daaha dabadiisa kalawdey madaxweyne siilaanyo oo kabaqanaayey in uu feysal cali waraabe maadaama uu yahey xisbi dhibey markii ay mucaaradka wada ahaayeen labadoodu in uu feysal kaga bixi jirey qorshe kasta oo lagu mijo xaabimaayo xisbi xaakimkii UDUB ee uu gudomiyaha ka ahaa madaxweyne daahir riyaale kaahin oo tiraba laba jeer ka adkaadey kulmiye iyo feysal cali waraabe oo uu hiil kawaayey xiligaas kadib markii uu siilaanyo kuguuleystey in uu ukala jebiyo laba garab waa kii siilaanyo saqdhexe qabtey shir jaraa id ee uu isgoo dhalalowsan ku dhawaaqey UF UF UF UF UF UF UF arintaas oo laga dheehan karo cadhada iyo cadaawada uu uqabo feysal cali waraabe hadaba hadaan ku soo noqdo cabdiraxmaan ciro waxey madax weynaha soomaaliland isla ogaayeen ee yay ku balameen in uu soo saaro ururka WADDANI oo uu ahaado xisbi xaakinka labaad oo haduu soo bixi waayo xisbiga KULMIYE in uu noqdo WADDANI xisbi xaakinkiisa mustaqbalka markaa waxaan ku guubaabinayaa shanta urur ee kale marka laga reebo labada xisbi xaakim in ay cududooda muujiyaan oo ay ku soo bandhigaan mudaharaadyo salmiya oon dalka wax udhimey balse ay kafoojignaadaan shirqoolada labada xisbi xaakin.
wabilaahi towfiiq soomaliland guul iyo gobanimo
by said mohamed hirsi carwo
Omaha nebraska u.s.a
*************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga