|
|
Sooyaalkii Faysal Cumar Mushteeg by Mohamed Ali Bile (Hadhwanaagnews) Sunday, September 23, 2012 Bilowgii Bishan September ayaan dhakharka Hargeysa ku booqdey Alle Ha U Naxariistee Faysal Cumar Mushteyg
Bilowgii Bishan September ayaan dhakharka Hargeysa ku booqdey Alle Ha U Naxariistee Faysal Cumar Mushteyg oo halkaa xanuun u jiifey. Markaan cabbaar sheekeysanney oo aan qosolney ayaan sawiro iska qaadney. Fanaanka Busi oo sawirka naga qaadayey ayuu AHUN Faysal ku yidhi "waar saawirka naga qaad cid is arki Ilaahey ayaa oge". Marlabaad ayaan isla maalintaa ku noqdey dhakhtarkii aniga iyo inan an abti u ahey oo isna ka yimid magaalada Bristol oo isna jeceleystay inu booqdo fanaanka. Intii yareyd ee an la fadhiney sariirta uu ku jiifay wuxu igula hadlayey hadalo ay ka muuqato inu ku qanacsanyahay xaaladda uu markaa ku jirey. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "
Maxamed Caliyow aduunyo in badan waan soo noolaa balse meshey iminka ila mareyo Alla ha sahlo" waxa kale oo uu raaciyey "Ibna aadamku uu daalaya balse naftan Ilaaheybaa iska leh".
Waxan Somaliland imid 1991kii iyadoo dalkaba lagu jirey muddo bilo ah. Waxa ay aheyd xilli ay ay taariikh cusubi qormeyso oo magaalada Hargeisa sida ay u dhantahayba ay dunsantahay. Dadkii u horeeyay ee an Hargeisa kala saaxiibey waxa ka mid ahaa AHUN Faysal Cumar Mushteeg iyo fanaaniin uu ku jiro. Gaar ahaan Feysal xiise badan ayaan u hayey oo heesihiisaa ayaa aniga iyo jiilkeyguba yaraantii iyo dhalinyaranimadiiba an ku soo caano maalney.
Faysal waxa uu ka joogey jiil fanaaniin dhawr ah oo dadka Soomaaliyeed oo dhami ay aad u jeclaayeen. Fanaaniintaa waxa ka mid ahaa Feysal Cumer Mushteeg, Maxamed Mooge, Axmed Mooge, Axmed Cali Dararamle, Cabdalle Sagsaag, dhamaantood Ilaahey ha u naxariiste. Fanaaniintaas waxa xiisaha gaarka ah ay u lahaayeen kuligood waxa ay ahaayeen mutacalimiin wax soo bartey oo qaarkoodna jaamacado iyo kuliyado ka soo baxey. Badankooda oo uu ku jiro Feysal waxa ay ahaayeen macalimiin ay aad u jeclaayeen dhalinyartii iyo ardeydii todobaatanadii iyo sideetamaadkii ay wax u dhigi jireen iyo kuwii la kacaamey fankooda.
Fanaaniinta Faysal ka mid yahay heesahooda inta badan idaacadaha lagama soo saari jirin waxaaney u badnaayeen qaar hab qaaci ah loo tumey. Balse waxa aad dadku u dhageysan jireen marka la isu yimaaddo ama lagu qayilayo ama baabuurta la fuushanyahay. Heesaha Faysal ee aan marna laga xiiso beelin waxa ka mid ah meydal qoordheer, midab aan caddaan iyo cawlaan aheynoo daymada cajibiyooo lagu caajiseyn iyo waxad tahay mas ciideen. Waxa kaloo ka mid ahaa lacageey iyo ha derderin carrada ha duulin. Faysal heesaha af-carabiga ah gaar ahaan kuwa Maxamed Wardi ee Soodaaniga ah ayuu si fiican uugu luuqeyn jirey.
Waxa kale oo fanaaniintaas Feysal ka ka mid mid ahaa xiisaha gaarka ah u yeelay iyaga oo aan fanka ka ganacsan jirin uuguna jirey hiwaayad ahaan. Faysal muu dhigi jirin riwaayadaha sida badanna kamuu heesi jirin xaflada lacagta lagu galo iyo aroosyada, balse wuxu ahaa fanaan u heesa hiwaayad iyo inu cabbiro fikir iyo dareen jira. Heesaha Feysal waxa ay u badan yihiin qaar ka turjumaya waayo isaga haysta ama ka taagan meesha uu markaa joogo. Inkastoo ay heesaha uu qaadaa ay koobnaayeen, haddana waxa ay ahaayeen qaar dadku aad u jecelyihiin oo midhahodu ay mug lahaayeen. Waxa kaloo Feysal u gaar ahaa xabiib heesihiisa oo dhan lagu soo soocayo.
Waayaha uu Faysal ka heeso waxa ay ahaayeel qaar kolba jiilka markaa jooga wada haystay oo markaa qofkastaa is odhanayo malaha heestan adiga iyo waayahaaga ayay ka tarjumeysaa. Bilowgii sideetamaadkii waxa uu Faysal qaadey heesta ah "Damaam iyo Khobor ma doonaayo, Dariiqa Togbaa i daashadey, dadyahow dalkan waan la garan waayee, an duulee diyaarad ii donaa". Heestan Faysal waxa uu qaadey xili uu joogey Sucuudiga oo ay Soomaali badanina joogtay aadna logu shaqo la´aa. Waxa ay heestaasi aheyd mid cabireysa Soomaalidii markaa Sucuudiga joogtey ee badankoodu shaqo la´aa.
Sideedaba dadka maalka haystaa aad ayay u yaryihiin marka loo eego inta aan haysan. Faysal markii uu qaadey hiistiisii ahyed "Lacageey, dadka kala labeeyaay, haween lahashadoodaay, liitaa gargaaraay, ladanna hoos u celiyaay" waxa ay noqotay hees qof walba oo Somaali ah taabata oo qof walbaa is moodo inu isagu heesta qadayo. Waxa kaloo uu Faysal ka so daba tuurey heestiisii "Ha derderin carrada ha duulin, ha degdegine joog, nala.joog, iska joog, dalka lama necbaado, debedaha lama jeclaado" waxa ay heestu soo baxdey xilli ay dadku gaar ahaan.dhalinyaradu ay aad isugu biimeynayeen dhoofka.
Bishii September 2001 ayaan ka soo dhoofay Hargeisa oo an shaqo uugu baxay dalka Ciraaq. Laba maalmood ka hor intii aanan dhoofin waxa xaflad ii sameeyey AHUN Faysal iyo fanaaniin kale o iigu sameeyey hotel Xaraf. Markaan qadeyney ee ay dhowr fanaan heeseen ayaa Feysal ku dhuftey heestiisii "Heedhe macaaney, meydal qoordheerey, aa midab suguleey, iba mee sow maalmahan, nafteydii muumiran jaceyl" dadkii ayaa aad ula dhacey heestii oo yar iyo weynba la.qaadey. Fannaan i ag fadhiyey ayaan ku idhi fasal waakan oo codkiisii xabeeb ayaa xidhey oo wax badan lagama maqlayo, hadana marku heestiisa bilaabey waatan meeshi oo dhami isla kacdee. Wuxu iigu jawaabey ninkani heesihiisu "madad" ayey leeyihiin. Kalmaddii anigo sina u fahmay haddan aan wada fahmin ayaan idh oo sidey madad u leeyihiin markaasuu iigu jawaabey hesihiisu waxa ay wataan qiiro iyo xamaasad ka tarjumaya dareen ku jira iyo duruuf run ah.
Faysal wuxuu ahaa macalin bilaabey shaqada bilawgii lixdamaadkii waxaanu caan ku ahaa tirinta balwada oo uu ka tiriyo meel kasta oo uu ka shaqeeyo. Balwaada waa murti gaaban oo wax lagu cabirayo oo gaar ahaan aad loo isticmaali jiray xiliyaddii hore. Waxa dadka qaarkeed ku tiriyaan in Faysal iyo AHUN Cabdi Malaw ay ahaayeen labada abwaan ee ugu balwo tiris badnaa. Balwooyinka Faysal ee caanka ahaa waxa ka mida mar loo bedelay magaalada Buraan ee gobolka Sanaag oo uu ku bayhoofey, wuxu yidhi "Bas ma galo baabuurna kama baxo, bariiskeedu waa bilaa milix, Buraantu ma beetalmey baa". Markii danbe ee uu si fiican u degey magaladii Buraan ayuu hadana yidhi "Buuraha jaan baa isku baahinayee, illeen Buraan Herer bey is bidhaanshaan.
Ilaahey ha naxariisto Faysal, inagana ha inooga daba naxaristo.
Mohamed Ali Bile Chief - Education UNICEF Yemen
|