Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii uu qaranka u hayay ka xayuubiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo gaadiidka Md. Shariif Libaax Muuse, waxaanu kaalintiisii u magacaabay agaasimaha cusub ee Wasaaradaasi ay yeelan doonto Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, sidoo Kale
Cabdisamad Cumar Maal, ayuu madaxweynaha somaliland u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee
Wasaaraddaha Arrimaha gudaha somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay no. JSL/M/XILQ/249-1331/092012, Xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Shariif Libaax Muuse.
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Mudane,
Waxa aan aad kaaga mahad celinyaa mudadii aynu soo wada shaqaynaynay. Xilka Qaranka ayay dabcigiisu yahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka Mudane Xuseen Xaaji Axmed Yusuf oo aan xilkaas u soo magacaabay.....Ayaa lagu yidhi xil ka qaadista ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland.
sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa laba digreeto oo isa saaran ku magacaabay agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Iyo Hawlaha guud.
Madaxweynuhu waxa uu Wasaarada Hawlaha Guud U Magacaabay in uu noqdo Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, halka uu agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, taas oo u dhignayd sidan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay No. JSL/M/XERM/249-1329/092012 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan.
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso,
Markuu ku qancay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Wuxuu go?aansaday
1. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.
2. In Mudane, Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.
Ayaa lagu yidhi warsaxaaadeedka ka soo baxay qasriga Madaxtooyadda.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com