Hordhac:
Sheekadan waa kaftan qosol huwan oo aynu ku faaqidi doonno xaajada xoollo ururinta Xusbiga UCID madaxdiisa sare debbeda ku marayaan, isla markaana taageerada dhaqaale ku waydiisanayaan taageereyaasha xusbiga UCID. Hadaba Madaxda Xusbiga UCID oo uu ugu horeeyo Madane Faysal Cali Xuseen Iyo Jamaal Cali Xuseen ( ILMA CALI XUSEEN) ayaa toddobaadadan gallaa bixinayey xaflado iyo shirar ay la yeelanayeen Bulsho waynta Somaliland intooda taageerta Xusbiga UCID, shirarku waxay ka billaameen Dalka Ingiriiska magaalooyinkiisa kala duwan, sidda aynu filaynona waxay mari doonan Qaaradan yurub meeshii ay wax ka filayaanba. Xusbiga UCID oo imika ay hogaanka ollolaha u hayaan Mudane Faysal iyo Jamaal, ayaa Mudane Faysal caddaadis dheeraad ah ku saarayaa Mudane Jamaal in uu Kasbado Taageerada Shacabka