Hadimo..Waa hees cusub oo uu dhowaan curiyay abwaan Hamze Ali Boodhle (beel daajiye)
*Nimay Hog biyo ugu galeeniyo
Nin daad harraatiyay
Labaduba hagardaamiyo
Hawl iyo kadeediyo
Habaqle la orodiyo
Hadimay la daris yihiin.
*Nimuu jacayl haleeliyo
Nimuu cishqi halakeeyay
Hadaan hareer joogiyo
Garabka aan lala hayn
Labaduba hurdo la´aaniyo
Halis bay daaqayaan.
*Nin Socod hayaamiyo
Nin dalkiisii ka haajiray
Labaduba hadaanay weheliyo
Haysanin rafiiq wanagsan
Hantaaqiyo karahiyo
Hoosiis bay hadh moodeen.
Ereyadii Abwaan Hamze Ali Boodhle ( beel daajiye )
boodhle49@hotmail.com
Germany