Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxkamaddaha Masar Oo Intii Mubaarik Xukunka Laga Tuuray Ka Dib Dacwado Diimaha Islaamka Iyo Kiristaanka Ah Bilaabay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 26, 2012
Cairo, (HWN/Reuters):- Maxkamaddaha dalka Masar ayaa markii ugu horaysay bilaabay dacwado aan hore looga baran qaadistooda, kuwaas

Cairo, (HWN/Reuters):- Maxkamaddaha dalka Masar ayaa markii ugu horaysay bilaabay dacwado aan hore looga baran qaadistooda, kuwaas oo la xidhiidha dhinaca diimaha, sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan Maxkamaddaha dalka Masar waxa ay todobaadkii u danbeeyay guda galeen dacwado la xidhiidha dhinaca diimaha gaar ahaan labada diimood ee dalkaas laga aaminsan yahay ee Islaamka iyo Kiristaanka.

Sida wakaalada wararka ee Reuters ay ku warantay waxa ay maxkamaddu bilowday dhagaysiga dacwad la xidhiidha dad ku eedaysay aflagaadayn ay u gaysteen diinta Kiristaanka, waxa kale oo maxkamadaha dalkaasi

hore u qaadeen dacwad lagu qaaday fanaanka jilaaga majaajilaystaha ah ee Caadil Imaan, kaas oo isna hore loogu soo eedeeyay inuu meel ka dhac kula kacay diinta Islaamka.

Sadex nin oo u dhashay dalkaas ayaa lagu soo eedeeyay in ay gubeen kitaabka baybalka ee injiinka, kuwaas oo maxkamadu u cuskatay in ay ku kaceen meel ka dhac diimeed sidaa awgeed waxa la filayaa in ay mudan doonaan xukun adag oo maxkamadeed.

Wakaalada wararka bariga dhexe ee dalka Masar ayaa sheegtay in xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masaru u go?aansaday in maxkamad la soo taago, maareeyaha Telefishanka Hooyada dhaqanka ee dalka Masar wiil uu dhalay iyo mid ka mid ah tifaftirayaasha wargeysyada dalkaas.

Maareeyaha telefishanka umul Saqaafa Maxamed Cabdale oo ku magac dheer Abul Islaam iyo wiilkiisa Islaam iyo tifaftirahaas ayaa maxkada magaalada Nasar la hor keeni doona kuwaas oo ku eedaysan in ay gubeen kitaabka Injiinka ee baybalka, waxaanay maxkamadu u cuskatay inay ku kaceen danbiyo ka dhan ah diinta Kiristaanka.

Abul Islaam iyo tobanaan kun oo uu ka bid ahaa ayaa isu soo bax balaadhan ka sameeyay dibada hore ee safaarada Maraykanku ku leeyahay dalka Masar, waxaanay sida la sheegay ninkan iyo kooxo la socday ku kaceen inay sameeyaan aflagaadayn diimeed oo ka dhan ah diinta Kiristaanka iyaga oo sida la sheegay gubay kitaabka Injiil ee dadka Kiristaanku aaminsan yihiin.

Dhinaca kale maxkamada sare ee dalkaasi waxa ay dhawaan soo saartay saman ay ku doonayso in la soo qabto, sadex nin oo ka tirsan kooxihii matalay filimkii lagu aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKHA), kaas oo lagu matalay dhawaan dalka Maraykanka mudaharaadyo cadho xanbaarsanina ay ka dhasheen.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.