Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweyne Obama Oo Arrimo Kala Duwan Kaga Hadlay Khudbadiisi Shirwaynaha Sanadlaha Ee Qaramada Midoobay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 26, 2012
New York, (HWN/Agencies):- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo salaasadii maanta ka hadlay, shirwaynaha guud ee golaha loo

New York, (HWN/Agencies):-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo salaasadii maanta ka hadlay, shirwaynaha guud ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto ayaa kaga hadlay dhacdooyin waawayn oo dunida ka taagan, kuwaas oo saamayn wayn ku lahaa wararka maalin laha ah.

Madaxweyne Obama waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, filimka cadhada wayn abuuray ee lagu aflagaadaynayo diinta Islaamka iyo nabi Maxamed (NNKHA), waxa kale oo uu ka hadlay mudaharaadyad filimkaas ka dhashay oo qaarkood rabshado wateen, sidoo

kale waxa uu khudbadiisan ku soo qaatay dalka xafiiltanka adagi ka dhexeeyo ee Iiraan iyo taageerada ay siiso maamulka Suuriya.

Obama waxa kale oo uu khudbadiisan kaga hadlay maamulka dalka Suuriya gaar ahaan Madaxweyne Bashaar Al Asad, oo uu tilmaamay in wakhtigii uu xilka banayn lahaa la joogo, hasa yeeshee ay xukuumada Iiraan taageero indho la?aan ah siinayso.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama isaga oo ka hadlaya filimka lagu aflagaadaynayo diinta Islaamka iyo Nabigeeni Suubanaa ee Maxamed (NNKHA) waxa uu sheegay in filimkaasi yahay mid xun oo liita, hasa yeeshee waxa uu daba dhigay in rabshadaha iyo cadhada lagaga jawaabay aanay ahayn mid meel ku leh qaramada midoobay iyo ilbaxnimada saliimka ah.

Obama ayaa xusay in xukuumadiisu aanay taageersanayn kuwa dhibaataynaya ee tacadiga u gaysanaya Qibdiyiinta Masar, waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday xoriyatul qawlka iyo sida wax loo dhigayo, isaga oo tilmaamay in sharciga Maraykanku xoriyad dadka u siiyay in ay aragtidooda cabiri karaan, hasa yeeshee aanay taasi ahayn mid dhiiri galin karta in wax kasta oo dhinac kale aflagaadaynaya lagu faafiyo.

Obama ayaa ku dooday in wax kasta oo la faafiyo iyo filim kasta oo la sii daayo aanay jawaabtiisu ahayn in rabshado iyo dil dad masaakiin ah lagaga jawaabo, taas oo sida uu ku dooday aanay jirin wax dhiiri galinaya in dad masaakiin ah oo sida safiirkoodi Libya oo kale la dilo.

Obama ayaa kacdoonada ka taagan carabta ku tilmaamay kuwo midho dhal ah, waxaanu sheegay in labadii sanadood ee u danbeeya guulaha kacdoonadaasi keeneen yihiin horumar taariikh dheer carabtu gaadhi kari wayday.

Madaxweynahada dalka Maraykanka ayaa si kulul u eedeeyay xuukumada Jamhuuriayda Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo uu sheegay in ay taageero siinayso maamulada kali taliyayaasha ah ee dadkooda tacadiga ku haya, waxa kale oo uu ku tilmaamay in aragtidooda koowaad tahay ama ku dhisan tahay nacaybta Reer galbeedka, Israel iyo Maraykanka.

Khudbada madaxweyne Obama oo la filayay in uu waxyaabo badan kaga hadlo waxa dadka ka faalooda ku tilmaameen, mid si gaar ah ugu jihaysnayd gudaha dalka Maraykanka oo kaliya, isla markaana ku foorartay doorashooyinka ololahoodu ka socdo dalkaas ee uu ku jiro, mana jirin wax cusub oo uu Obama kaga hadlay dhibaatada soo jireenka ah ee ka taagan bariga dhexe ee u dhaxaysa Falastiin iyo Israel, sidoo kale jawaabta uu ka bixiyay filimka xiisada wayn abuuray ee dhawaan lagu matalay dalka Maraykanka ayaanu wax badan oo cusub ka odhan Obama ama uga hadal sidii laga filayay.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.