Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


UDUB Oo Cismaan Hindi Xubnimadii Xisbiga Ka Xayuubisay iyo Xil Ka Qaadistiisa Qodobka ay cuskadeen


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 26, 2012
Waxa ayaguna la yaab leh in Xild. C/Kariim Aw Cali Shabeel iyo rag la mid ah oo wakhtigii Xisbiga UDUB xukunka gacanta ku hayey ku biiray Xisbiga Kulmiye, ilaa haddana ka tirsan inuu TV-yada af-xumo la soo fadhiisto,

Hargeysa (HWN) Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa xubinimadii ka xayuubiyay Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka tirsanaa xisbiga UDUB.

 

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan


yahay ku simaha xoghayaha Guud ee UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse, ayaa waxa lagu sheegay in ka dib markii uu Cismaan Cabdilaahi Cigaal uu ku kacay falal liddi ku ah xisbigaasi ay isla waafaqeen in dibadda looga saaro xisbiga.

  

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan Sidaan halkan ku lifaaqay waxaa Xisbiga UDUB Xubinimadii ka qaaday Cismaan Cabdilahi Cigaal oo ku kacay talaabooyin ka dhan ah Xisbiga UDUB, muddooyinkan dambena si is daba joog ah ugu kacayay falal xadgudub ku ah Xeerka iyo Nidaamka Xisbigaba.

 

Haddaba Xil ka qaadistiisan ayaa ka dambaysay Qaraar ay guddi loo fadhiisiyey oo ah Guddiga Sharciga iyo Anshaxa ee Xisbiga UDUB ka soo saareen, kaas oo aanan hore u jeclaysan inaan saxaafadda u soo bandhigo, Qaraarkaas ayaan isla maanta 25 Sept, 2012 ku Go´aamiyey Xubin ka qaadis Waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB, sida aan ku xusay warqadda Xubin ka qaadista.

 

Waxa ayaguna la yaab leh in Xild. C/Kariim Aw Cali Shabeel iyo rag la mid ah oo wakhtigii Xisbiga UDUB xukunka gacanta ku hayey ku biiray Xisbiga Kulmiye, ilaa haddana ka tirsan inuu TV-yada af-xumo la soo fadhiisto, si qaawan ayaanu ugu jawaabi doonaa isaga iyo cidda soo adeegsanaysaba haddii uu ka waantoobi waayo wax ka sheega arrimaha Xisbiga UDUB.

 

Somalidu Waxay ku maahmaahdaa ´Baqashu ma dhasho wax dhalana ma jecla´ waxaan u soo qaatay raga uu ka mid yahay Cismaan Hindi oo aan marnaba rabin in xisbigan inay xisbigan wax ka noqdaan cid kalena ka noqoto, in badana hagardaamooyin in muran kula dhexjiray, waxa la wada xasuusanyahay inuu wakhtigii shirka Golaha Dhexe aanu iclaaminay uu media-ha ku baahiyay inuu u taagan yahay Musharax Madaxweyne, haddana maalintii shirka lagu qabanayey Ambassador aan ka soo xaadirin, waliba shir jaraa´id ka barbar qabtay. Miyaanu Cismaan ku Sifaysnayn Baqashaa aan sheegay.

 

Waxa kale oo aan halkan ku cambaaraynayaa Shir-Guddoonka Guurtida oo aan la garan karin Xilka uu ku qaabilay Ninkaas iyo raga Kulmiye ee uu watay.

 

Waxaan mar labaad halkan ku celinayaa Cid kasta oo Xubintaa Xisbigu Kala noqday Xubinimadii ku qaabisha Xubin UDUB ah inay noqonayaan cid dambi ka gashay Shuruucda iyo Bahweynta Xisbiga UDUB.

Cabdi Xaliim Maxamed Muuse

K/S Guddoomiyaha Xisbiga UDUB


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.