Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


R-Hadhwanaag: Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Bogcada Ay Ku Taalo Wasaaradda Warfaafintu Olole Nadaafadeed Ka Fulisay+Akhriso+Dhagayso


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 26, 2012
?Aad iyo aad baanu umahad celinaynaa maamulka dawladda hoose oo uu ugu horeeyo Mayorka, mayor ku xigeenka, agaasime waaxeedyadda iyo waliba shaqaalaha kuwaas oo marka ay hawli timaado si degdeg ah noogu yimaada? ayuu yidhi

Hargeysa (HWN) Dawladda Hoose ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta olole nadaafadeed ka fulisay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.
 

Ololahan Nadaafadeed oo looga Gol lahaa sidii bilicda Bogcadda ay wasaaraddaasi ka degan tahay Magaaladda Hargeysa sare loogu qaadi lahaa ayaa waxa  hadalo koob-kooban ka soo jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maareeyaha Telefishanka qaranka iyo Mayor Ku xigeenka Caasimadda.


FONT-SIZE: 16pt">Ugu Horeyn Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay maamulka dawladda Hoose ee caasimadda dedaalka ay ka galeen sidii ay bilicda Wasaaradda uga shaqayn lahaayeen.

?Aad iyo aad baanu umahad celinaynaa maamulka dawladda hoose oo uu ugu horeeyo Mayorka, mayor ku xigeenka, agaasime waaxeedyadda iyo waliba shaqaalaha kuwaas oo marka ay hawli timaado si degdeg ah noogu yimaada? ayuu yidhi

Maareeyaha Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas oo isna halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in ay tani ka mid tahay waxqabadkii ay hore u balanqaaday Xukuumadda ka dhalatay xisbiga Kulmiye ?Waxa ay tani muujinaysaa balanqaadkii Xukuumadda, waxaana farxad ah in idaacadii cusbayd ee dalka wada gaadhaysay ay hadda shaqaynayso, waanan u mahad celinayaa maamulka dawladda Hoose?

Gabogabadiina Mayor ku xigeenka caasimadda Maxamed Cabdilaahi Uur-cade ayaa sheegay in ay si ay bilicda wasaaraddu u hagaagto ay mar walba diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan wasaaradda.

Halkan Guji Oo Ku Dhagayso Mobilekaaga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.