Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


R-Hadhwanaag: Wasiirka Warfaafinta Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Rag Shaki Badan Abuuray Oo Habeenimo Lagu Qabtay Wasaaradda Warfaafinta Dhexdeeda+Akhriso+Dhagayso


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 26, 2012
?Waxa aad ka war haysaan in habeen hore rag laga shakiyay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda warfaafinta Somaliland, raggaasi oo hadalo is dhaaf ah ku hadlaya waxa aanu baadhistooda ka sugaynaa Xarunta CID-da oo ay joogaan?

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa markii ugu horeysay faahfaahin dheeri ka bixiyay rag la sheegay in goor habeenimo ah lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda.

Wasiir Abiib oo la hadlayay warbaahinta ayaa xusay in raggaasi oo si aad ah looga shakiyay ay hadda ku sugan yihiin Xarunta Dambi Baadhista isla markaana  la baadhayo.

Waxa kale

oo uu intaasi ku daray in raggani ay shaki badan leeyihiin, lagana war sugi doono ilaa inta ay ka dhamaanayso baadhitaanka lagu hayaa.

?Waxa aad ka war haysaan in habeen hore rag laga shakiyay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda warfaafinta Somaliland, raggaasi oo hadalo is dhaaf ah ku hadlaya waxa aanu baadhistooda ka sugaynaa Xarunta CID-da oo ay joogaan? ayuu yidhi.

Waxa uu shacabka reer Somaliland kula dardaarmay in laga shaqeeyo amaanka guud, waxaanu si gaar ah u sheegay in duulaan lagu yahay wasaaradda warfaafinta iyo idaacadda radio Hargeysa.

 
Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

 

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.