 |
| Marxuumada Geeriyootay Fartun Abdulle |
Toronto, (HWN):- Boqolaal qof ayaa maalintii isniintii Masaajidka Toronto kaga qayb galay, tacsida iyo baroor diiqda, gabadh gashaanti ah oo ku geeriyootay shil gaadhi oo ay sababtay walaasheed la dhalatay, kaas oo galaaftay nafteedi.
0pt; LINE-HEIGHT: normal; TEXT-ALIGN: justify">
Fartun Abdulle, oo da?deedu tahay 17-jir, waxa ay wakhtiga shilku ku dhacay ku sugnayd, degaanka waqooyi galbeed ee Toronto, ka hor intaanu dhicin shilka uu sababay gaadhiga ay wadaha ka ahayd walaasheed, kaas oo noociisu ahaa Toyota Camry, waxaanu shilku dhacay ka dib markii walaasheed gaadhigu jidka kala baxay ka dibna sidaa waxyeeladu ku soo gaadhay Fartun lamina garan karo inay baabuuka kusoo qaadaysay iyo inay marka dejisay.
Booliska Toronto sida ay ku warameen gaadhiga ayaa markii uu ka baxay jidka waxa uu ku dhacay dhibanaha oo ahayd Fartun Abdulle, ka dibna waxa si dhakhso ah loola cararay cusbitaalka ay ugu geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaadhay shilkaas.
Alle ha u naxariistee waxa ay Fartun Abdulle eheladeeda iyo dadkii ay asxaabta ahaayeen sheegeen in ay ku soo barbaartay Brampton, qaybna ka ahayd qoys balaadhan oo ay ka mid ahayd walaasheed Faissa oo iyadu waday gaadhiga shilka gaystay ee ay ku geeriyootay da? ahaana ka waynayd.
Hibaq Gelle oo eedo u ah walaalahan ayaa sheegtay in labadan hablood ka sakow walaaltinimada ay saaxiibo ahaayeen, isla markaana ahaayeen labad qof ee qoys ahaan isugu dhow isuguna jeclaa, waxaanay Hibaq oo arrintaa ka hadlaysaa tidhi, "Faissa and Fartun, kaliya walaalo oo qudha uun may ahayn, laakiin waxa ay ahaayeen saaxiibo is jecel oo aad isugu xidhan, jacaylka midba mida kale u qabtaana ahaa mid qoto dheer.? Ayay tidhi Hibaq Gelle oo edo u ah Marxuumada.
Hibaq waxa ay tilmaantay in qoyska oo dhami ka wada murugaysan yahay, dhamaana wada jeclaayeen in ay shilkaas ka badbaado inantooda ay aadka u jeclaayeen, hasa yeeshee aanay dhicin oo wax laga murugoodo ay tahay.
Shilkan ayaa wali baadhistiisu socotaa waxaanu noqday mid si wayn bulshada uga murugootay, dareen naxdin lehna laga qaaday, sababtoo waxa ay dad badani sii arkayaan jacaylka ay labada hablood ee walaala ahi isku hayeen iyo sida ay saaxiibka u ahaayeen oo dadka intooda kale isaga dhawaayeen.
HALKAN KA DAAWO.