Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Jilayaasha Majaajilada Radio Quebec Oo Ban Ki Moon Telefoon Kula Hadlay Iyaga Oo Iska Dhigaya Raysal Wasaaraha Kanada


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 29, 2012
Quebec, (HWN/Agencies):- Jilayaasha qosol qosolka caanka ku ah isla markaana ka tirsan qaybta madadaalada ee Idaacada

Quebec, (HWN/Agencies):- Jilayaasha qosol qosolka caanka ku ah isla markaana ka tirsan qaybta  madadaalada ee Idaacada Quebec ee dalka dalka Kanada Marc-Antoine Audette iyo Sebastien Trudel, ayaa telefoon kula xidhiidhay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ka dibna isaga dhigay Raysal wasaaraha dalka Kanada Mr. Stephen Harper.

 Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki Moon oo todobaadkan oo dhan ku mashquulsanaa, soo dhawaynta iyo qaabilaada Madaxda

dunida ee ka qayb galayay Shirwaynihii todoba iyo lixdanaad ee qaramada midoobay uga socday xarunta guud ee qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa maalintii salaasadii todobaadkii aynu ka soo gudubnay wakhti uu aad u mashquulsanaa uu ku soo dhacay telefoon ay u soo direen laba nin oo u dhashay dalka Kanada, Marc-Antoine Audette iyo Sebastien Trudel, kuwaas oo caan ku ah filimada majaajilada ah.

Jilayaashani waxa ay Ban Ki Moon isaga dhigay inay yihiin raysal wasaare isla markaana ay ka cudur daaranayaan shirka guud ee qaramada midoobay sanadkiiba mar qabsato oo aanay ka soo qayb gali karayn, sida wakaaladu sheegtay majaajiladan oo u baxaysay si toos ah ?Live? ayaa labadan nin Ban KI Moon ugu direen telefoon kaas oo markii uu ka qabtay ay ugu sheegeen hadalo cudur daar raysal wasaare u eg.

Wada hadalkan telefoonka qosol qosolka ah ee dhex maray Raysal wasaaraha been abuurka ah iyo xog hayaha guud ee qaramada midoobay, oo sida warbaahintu sheegtay socday muddo shan daqiiqo ah waxa lagula hadlay Ban Ki Moon labada luuqadood ee lagaga hadlo dalka Kanada ee ah Faransiiska iyo Ingiriiska, waxaana dhex maray hadalo aad u qosol badnaa.

Telefoonka  ayaa markii uu qabtay Ban Ki Moon looga bilaabay, ?Aad baan uga xumahay in anigoo ah raysal wasaarihii aan ka soo qayb gali kari waayo shir waynaha guud ee qaramada midoobay, gaar ahaan shirwaynaha sanad laha ah ee 67aad, waxa aan ku habsaamay time jare, (Rayisle), aan doonayay in aan ka xiirto timaha oo si xun iigu baxay markaa sidaa awgeed waxaan ka cudur daaranayaan in aan soo haleeli waayo shirwaynaha guud ee qaramada midoobay ee sanadkan.?

Qaybta labaad ee telefoonka ayaa Ban Ki Moon Loogu sheegay in marti qaad cusub uu u sameeyo koox ka socota gobolka Quebec ee dalka Kanada oo ah kooxaha ciyaarta barafka lagu dul ciyaaro ee Hockey-da loo yaqaano uu ku marti qaadayo raysal wasaaraha Kanada Mr. Stephen Harper, kaas oo lagu qaban doono isla gobolka Kubeeg waxa aan kaa codsanayaa in madaxda dunida aad la socodsiiso in ay ciyaartaa xiisaha badan  ka soo qayb galaan.?

Runtii Ban Ki Moon oo markii hore mashquulka haysta awgeed si ixtiraam leh uga jawaabay telefoonka, kana dalbanayay in cudur daarkaas laga aqbalay raysal wasaaraha balse uu jeclaa inuu ka soo qayb galo ayaa ku baraarugay markii sheekadu marayso ciyaarta barafka lagu dul ciyaaro ee Hockey-da in madaxda dunidu ka soo qayb gasho ka dibna waxa u bilaabay in uu aad u qoslo ka dibna maleeyo in telefoonkaasi yahay mid lagaga riwaayadaysanayo.

Labadan nin ee reer Kanada oo ah kuwo si wayn loogu yaqaano maddaadalada iyo ka qoslinta dadka isla markaana isticmaala telefoono ay u kala diraan dadka madaxda iyo shakhsiyaadka caanka ah ee dunida, waxa ay had iyo jeer iska dhigaan madaxda waddamada reer galbeedka midkood waxaanay la xidhiidhaan qof caan ka ah dunida oo wakhtigaas ku guda jira hawlo uu ku mashquul san yahay, habkaas oo ay uga faa?iidaystaan xidhiidhkaas in ay ka abuuraan arrin qosol badan reebta.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo, Sebastian Trudel iyo Marc - Anthony Odette waxa ay sanadkii 2008-dii la xidhiidheen madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy oo ay isaga dhigeen musharaxadii xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne nimada ugu ordayay xisbigaas, waxaanay isaga dhigeen in Marwo Piden ay ka doonayso in ay maalin isku raacaan tamashle kaluumaysi, arrintaas oo dunida si wayn ugu baahday isla markaana run la mooday.

Run ahaantii waxa ay ninkani noqdeen kuwo saamayn wayn ku yeesha dunida isla markaana si layaab leh ula xidhiidha madaxda dunida, sida ka ay todobaadkan uga faa?iidaysteen xog hayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayaa todobaadkan ku jiray kulamo mashquul ka dhigay, waxaanu qaabilay in ka badan boqol iyo labaatan hogaamiye oo ka kala socday dunida, halka uu ka jawaabay tobanaan telefoon oo cudur daar ah oo uu ka mid yahay kan qosolka badnaa.

 

 Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.