Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


War Deg-deg ah:- Golaha Wakiiladda Oo Somaliland Oo Maamuus Ka Xayuubin Ku Sameeyay Afar Mudane Oo 20 Kalfadhi Aan Ka Soo Xaadirin Golahaas


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 29, 2012
Kalfadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe maxed farax ayaa xubinamadii golaha wakiilada lagaga qaadaya 4 mudane oo ka tirsana mudanayaasha golaha wakiilada.

War Degdeg ah: Goalaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta xubinamadii Golaha wakiilada kaga qaaday 4 Mudane.

Sida uu noo sheegay weriye NAJAX ADAN CUNAYE oo hadda ku sugan Aqalka Golaha wakiilada  somaliland ayaa Kalfadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe maxed farax xubinamadii golaha wakiilada lagaga qaadaya 4 mudane oo ka tirsana mudanayaasha golaha wakiilada.

Xil ka qaadista mudanayaashan ayaa ka danbaysay kadib markii shirguddoonku ku dhawaaqay inaanay mudanayaashani ka soo xaadirin illaa

20 kalfadhi, taaso loo cuskaday bay yidhaahdeen qodobka 50-aad faqraddiisa 5aad ee Dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland, iyo qodobka 4aad faqraddiisa 3aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada Somaliland.

Mudanayaasha xubinamadii golaha laga qaaday saaka ayaa kala ahaa:

Xildhibaan Ikraan Xaaji Daauud Warsame oo ka mid ahayd mudanayaasha ka so baxay Kulmiye

Xildhibaan Axmed Maxamed Cali  oo ka mid ahaa mudanayasha ka so baxay UCID

Xildhibaan Mahdi Xaji Xasan Sugaal oo ka mid ahaa mudanayasha ka so baxay  UDUB

Xildhibaan Maxmed Cali jibriil oo ka mid ahaa mudanayasha ka so baxay UCID

 
Shirguddoonka Golaha wakiilada ee saaka Baashe Maxmed Faarax wuxu sheegay in Afarta Mudane ee saaka xubinamada laga qaaday ay u gudbin doonaan komishan ka doorashooyinka si ay wajiibkooda u mariyaan. 
 
 
Hadhwanaagnews
Hargaysa Somaliland

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.