Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dalladda Ururadda Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Oo Taageeray Ka Qayb Galka Haweenka iyo Dadka La Hayb Sooco Ee Doorashooyinka Somaliland


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 29, 2012
Madaxweynaha JSL waxa aanu ugu baaqaynaa in uu dabagalo ku sameeye qorshihii dumarka iyo dadka la hayb-sooco ee uu Xeer dajiyayaasha u gudibiyo, si uu u noqdo mid meel mara.

Hargeysa (HWN) Dalladda Ururadda Aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa taageero u muujisay haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka qayb geli karaan doorashooyinka la filayo in ay dalka Somaliland dhawaan ka dhacaan.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha dallada ururadda aan dawliga ahayn ee SONSAF Aadan


Xaaji Cali Axmed.

 

Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan. 

 

Ururada aan dawliga ahayn waxa ay taageero buuxda siinayaan Dumarka iyo dadka la hayb-sooco in ay si buuxda uga qayb qaataan hanaanka dimiquraadiyada , doorashooyinka dalka iyo talada dalkaba.

 

 Si taa loo helo waxa ay soo jeedinayaan in Golayaasha kala duwan ee qaranka, Hay?adaha kale ee dastuuriga ah iyo bulshada caalamkuba ay ka qayb qaataan hirgalinta arintaa.

 

Sida aynu la socon Dumarku waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen heerarkii kala duwanaa dalku soo maray oo ay ugu horaysay nabadayntii dalka , dib u dhiskii dalka , hirgalinta dimiquraadiyada.

 

Dhinaca kalena dumarku marwalba waa qaybta ugu tirada badan bulshada reer Somalilan, isala markanaana ah dadka wadanku ku taagan-yahay dhib iyo dheefba.

 

Waxa kale oo aynu la soconaa doorka ay firfircoon ee ay ka qaateen dimiquraadiyada Somaliland iyaga oo ah dadka ugu badan ee codeeya, taasina ay hirgalisay nidaamka axsaabta badan ee dalka ka hirgalay tobonkii sano ee u dambeeyay.

 

Dhinaca kale waxa kale oo aynu ognahay in dumarku iyo dadka la hayb sooco ay leeyihiin xuquuqda muwaadiniin ta kale ay leeyihiin iyo kuwo iyaga u gaar ah, sida ay dhigayaan macnaha iyo ruuxda qodobadan soo socda ee Sharciga dalka u yaala iyo kuwa caalamiga ahba.

 

Sida Dastuurka Somaliland qodobabda 8(1), 22 (1), 36 (1), (2) , Xeerarkale ee dalka u yaala, Xeerarka caalamiga oo ay ugu horeeyaan Xeerka caalamiga ah ee xuquuqda madaniga iyo ta siyaasiga ah (ICCPR) qodobada 25aad, 26aad, 27aad, Xeerka caalamiga ee xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan (ICESCR) qodobka 3aad , xeerka Caalamiga ah ee tirtirada dhamaan hababka loo takooro dumarka (CEDAW) qodobka 7aad.

 

Dhinaca kale waxa aynu ognahay in Madaxweynuhu uu saaray gudi Qaran oo ka kooban golayaasha qaranka oo soo daraaseeya sidii Dumarka iyo Dadka la hayb sooco talada dalka ay uga qayb qaadan lahaayeen sidan imika ay yihiin si ka mug wayn. Gudidaasi markii ay la kulmeen ururada bulsahda, madax dhaqameedka, dumarka, dhalinyarta, sharci-yaqaanada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee qaranka, isla markaana ay booqdeen dhamaan gobolada dalka oo dhan, waxa ay soo jeediyeen in laga siiyo kuraasi go?an dhamaan golayaasha Qaranka.

 

Maxdaxweynuhu isaga oo taladaa ka duulaya waxa uu arinkaa u diray Golayaasha qaranka gaar ahaan golaha wakiilada oo uu ku booriyay in ay arinkaa meel mariyaan. Hasayeeshii kolaha wakiiladu iyaga oo aan ka doodin ayay arinkaa duudub ugu codeeyeen si diidmo ah.

Sidaa awgeed dumarka iyo dadka la hayb soocaa waxa ay taagan yihiin fara madhan. Waxaana muuqata in aanay ku yeelan doonin waxa kuraas ah goloyaasha deegaanka ee soo socota.

 

Dhinaca kale, Ururada u taagan doorashada Golayaasha deegaanku waxa muuqata in aanay soo sharixin wax dumar ah marka laga reebo qof qof ka sharaxan Ururada qaarkood. Sababtuna waxa weeye iyadaa oo doorashadan deegaanku ay ku suntantahay nidaam-ka ku salaysan beelaha ee musharaxa aanu ururku soo sharaxayn hadii aanu reerkiisu taageerayn. Dumarkana ay ku dhaceen laba meelood dhexdoo, reerkii ay ka dhasheen iyo ka ay u dhaxday. Mar walbana waxa lagu hor joogsadaa cid reerkiina ah oo ku taageersani ma jirto.

 

Hadaba sababha xaga sare ku xusun awgeed, dumarkii iyo dadka la hayb sooco waxa ay taagan yihiin faro madhan marka ay noqoto in ay cid matasha ku yeeshaan golayaasha qaranka. Dhinaca kalena ma muuqato hadii arinku sidan ku socdo in ay mustaqbalka dhaw ku yeelan doonaan.

 

Sidaa awgeed Ururada aan dawliga waxa ay soo jeedinayaan baaqan soo socda oo ku waajahan Madaxweynaha JSL, Golayaasha Xeer dajinta, bulsho weynta reer Somaliland, dumarka, dadka la hayb sooco iyo deeq bixiyayaasha ka taageera JSL arimiha doorashooyinka;

 

1- Madaxweynaha JSL waxa aanu ugu baaqaynaa in uu dabagalo ku sameeye qorshihii dumarka iyo dadka la hayb-sooco ee uu Xeer dajiyayaasha u gudibiyo, si uu u noqdo mid meel mara.

 

2- Golayaasha Xeer dajintana waxa aanu ugu baaqaynaa in sharciga dib loo eego oo la taageero arinka dumarka iyo dadka la hayb-sooco. Gaar ahaan in arinkaa dood sharci loo furo oo la eego in xal loo heli karo inta aan duu-duub lagu celin. Habab badab oo dhinaca sharciga ah oo loogu hiilin karo ayaa jira dumarka iyo dadka la hayb sooco. Hadii loo noqdo ruuxda iyo ujeedooyinka Dastuurka Somaliland. Laakin waa in marka hore dooda ay furaan.

 

3- Bulsha weynta Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa in ay u hiiliyaan dumarka iyo dadka la hayb sooco oo ah dadka ugu badan ee codeeya, gaar ahaan dumarku, laguna xisaabtamo codkooda laakiin aan talada laga qayb galin.

 

4- Dumarka iyo dadka la hayb sooco waxa aanu ugu baaqaynaa in ay is abaabulaan oo codkooda ku xisaabtamaan. Kol hadii ay yihiin dadka ugu badan gaar ahaan dumarku waa in ay muujiyaan quwada ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

5- Ugu dambayn Bulshada caalamka ee JSL ka taageerta dhinaca doorashooyinka iyo dimuquraadiyada waxa aanu ugu baaqaynaa in arinkana Dumarka iyo dadka la hayb sooco ay il feejignaan ku eegto oo ay culays saarto cida ay khusayso masuuliyada arinkaasi kol hadii ay dhaqaalahe badan ku bixiyaan dhinaca dimiquraadiyada iyo doorashooyinka dalka socday tobonkii sano ee u dambeeyay.

 

Waxa arinkan taageeray dhamaan xubnaha Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF.

Adam Xaaji Cali Axmed

Gudoomiyaha SONSAF

aadamhaji@sonsaf.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.