Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hargeysa: Dalladda SAHAN Oo Deeq Lacageed Guddoonsiisay Qoysas La Nool Cudurka HIV/AIDS+Akhriso+Dhagayso


(Hadhwanaagnews) Monday, October 01, 2012
waayo waxa aanu nahay dad aan guryo ku lahayn magaaladda Hargeysa oo kuwa kiradda ah ee aanu ku jirno waagii baryaba waa nalaga saarayaa, waxaanan idiin cadaynayaa in Anwar uu mar walba gacanta na qabto

Hargeysa (HWN) Dalladda SAHAN oo ay ku bahoobeen ururadda oo ay ku bahoobeen ururadda ka shaqeeya La Dagaalanka Cudurka HIV/AIDS-ka ayaa maanta deeq lacageed guddoonsiisay 15 qoys oo ka mid ah dadka la nool cudurkan.

Munaasibad loo sameeyay guddoonsiinta deeqdan lacageed oo ka dhacday Xarunta Dalladaasi ku leedahay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Dallada SAHAN Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Agaasimaha Komishanka La Dagaalanka Cudurka HIV/AIDS, Maxamed Daahir Qayre, 15ka qoys ee la nool

cudurkan iyo  masuuliyiin ka socotay Hay?adda Save The Children oo iyagu deeqdan soo gaadhsiiyay dalladda SAHAN.
Ugu horeyn halkaasi waxa hadalo kooban oo mahadnaq ah ka soo jeedisay hooyo Sahra Cabdilaahi, ahna guddoomiyaha ururka Al Raxma oo ay ku bahoobeen dadka la nool cudurkani, waxaanay tidhi
?Waxa aan halkan uga  sheegayaa qoladdan Save The Children ee saaka na caawinaysa in ay noo sii wadaan mashruucan, waayo waxa aanu nahay dad aan guryo ku lahayn magaaladda Hargeysa oo kuwa kiradda ah ee aanu ku jirno waagii baryaba waa nalaga saarayaa,  waxaanan idiin cadaynayaa in Anwar uu mar walba gacanta na qabto isaga oo wax aduun ah naga doonayn, xil wayna iska saara sidii uu noogu gargaari lahaa? ayay tidhi.

Anwar Cabdiraxmaan Warsame agaasimaha Dalladda SAHAN oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in dhinacooda ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii ay dadkan wax badan ugu qaban lahaayeen deeqay dadka xanuunka la nool.

Waxa uu faahfaahin ka bixiyay mashruucan lacageed ee saaka loogu deeqay dadka xanuunka la nool, waxaanu yidhi ?Hadii aan faahfaahin kooban ka bixiyo mashruucan, runtii waa mid iska kooban, laakiin waxa aanu uga gol leenahay in kor loogu soo qaado nolosha dadkan, guud ahaana dadka u diiwaan gashan xarunta SAHAN ee cudurkan la nooli waxa uu ay ahaayeen Magaaladda Hargeysa oo keliya ururka Alraxma waxa uu jooga 35 qoys, goboladda dalka oo dhana waxa uu jooga 60 qoys, isu geyntooduna waxa ay yihiin 90 qoys, mashruucana waxa aanu siinaynaa 15-ka qoys ee ugu baahida badan, waana mid tijaabo, ah hadii aanu ku guulaysanana waa mid aanu sii kordhin doono, hadii alle idmo? ayuu yidhi.

Waxa uu xusay Agaasimaha Dalladda SAHAN in aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay kaalmo siiyaan, waxaanu yidhi ?Maaha markii ugu horeysay ee aanu SAHAN ahaan dadka la nool xanuunkan aanu siino kaalmo, laakiin kal hore ayay ahayd markii aanu deeq raashin ah siinay, waxaanay tani kaga duwan tahay wakhtigaas waxa aanu siinay raashino, laakiin maanta lacag ayaanu siinaynaa, taas oo faa?iido u noqon karta in aanu qofku iska fadhiyin uun ee uu shaqaysto? ayuu yidhi.

Agaasimaha Komishanka La dagaalanka Cudurka HIV/AIDS-ka Maxamed Daahir Qayre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in Dalladda SAHAN ay dedaal dheer ugu jirto sidii ay wax badan ula qaban lahayd dadka la nool cudurka HIV/AIDS-ka, waxaanu yidhi

?Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan idin kala soo qayb galo xafladdan deeqda lacageed lagu guddoonsiinayo,  hadii aan dib ugu laabto waxyaabaha ay soo mareen dadkan iyo waliba ururkoodu Al Raxma, wakhti ayaa jirtay in ururkani ay ka raadsadeen Magaaladda Hargeysa guryo, balse markii la ogaaday in ay yihiin dad la nool xanuunkan laga saaray.

Markii aanu arrintaasi ogaanay ayaanu  Dalladda Sahan ka codsanay in ay wax la qabato dadkaasi, waxaanay siiyeen guri iyo waliba waxyaabo kale oo ay aad ugu baahan yihiin, tanina waxa ay u noqonaysaa dhiirigelin.

Runtii markaa aad baan ugu mahad celinayaa dallada SAHAN oo iyadu xil iska saarta dadkan la nool cudurka? Ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxa uu xusay in Somaliland oo dhan marka la isku daro dad lagu qiyaasay toban kun iyo shan boqol oo qoys kuwaas oo isugu jira kuwo qaba iyo kuwo uu saamayn ku yeeshay nolol maalmeedkooda, waxaanu yidhi

Toban kun iyo shan boqol oo qoys ayaa goboladda iyo degmooyinka dalka oo dhan u diiwaangashan cudurkan, waxaanay isugu jiraan dad la nool iyo qoysaskii ay ka soo jeedeen oo uu samayn ku yeeshay cudurkaasi.

Sida uu samaynta ugu yeeshay hadii aan idiin faah-faahiyo, hadii ay qoysku uu ka kooban yahay caruur iyo waalid gurigiina ay joogaan shan qof caruurta samayn ayuu ku yeelanayaa oo ma awoodi karaan in ay dugsi tagaan hadii uu waalidkoodii xanuunka qabo? ayuu yidhi.

Maxamed Daahir Qayre waxa uu shacabka reer Somaliland kula dardaarmay in ay dhagahooda ka dheereeyaan dadka la nool xanuunkan wax ku keeni kara diiqad, waxaanu yidhi ?Waxa aan soo jeedin lahaa in dadkan laga daayo takoor, waayo ka Hargabka Qaba, Ka Macaanka Qaba iyo waliba kan cudurkan qabaaba waa isku mid, wax ka maqanina ma jirto waayo, xanuunkana iyagu ma soo iibsan ee allaah ayaa u keenay? ayuu yidhi.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.