Hargaysa(HWN):-Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka ayaa maanta deeq lacageed gaadhsiiyey 32 qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadaha State Houseka iyo Staduimka.
Deeqdan lacageed ee la gaadhsiiyey dadkan danyarta ah ayaa ka mid ah mashruuc ay maal-galinayso haayada DRC kaas oo lagu caawinayo dadka danyarta ee ku noo xaafadaha ay degan yihiin dadka barakacaaysha ahi .
border=1 cellSpacing=0 cellPadding=0 width=100 align=center>
 |
 |
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Marwo Aamina C/laahi Axmed oo halkaasi ka hadashay ayaa Sheegtay in ay deeqdan ugu talo-galeen in ay siiyaan dadka danyarta ah iyo haweenka dhibaatadu ka soo gaadho raga ay wada joogaan ee ku nool xaafadaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha ahi.
Marwo Aamina oo ka hadlaysay waxyaabihii ay la kulmeen mudadii mashruucani socday ayaa waxa ay xustay in ay ogaadeen in ay jiraan rag badan oo dayacay masuuliyadii ka saarnayd qoysaskooda iyadoo ku talisay in laga waatoobo ficilada noocaas ah oo keeni karra burbur qoysas aad u tiro badan.
Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Ayaan Maxamuud Askar oo ah Madaxa lamaanaha ee haayada Xuquuqal Isaanka Qaranka waxaana ay ka warantay deeqdan lacageed ee ay gaadhsiiyeen dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafadaha State Houseka Iyo Istaadiyamka oo ay tilmaantay in ay uga go,leeyihiin sidii ay dadkaasi ay u ogaalaan lahaayeen isla markaasina ay wax ugu qaban lahaayeen kuwooda u baahan in la geeyo goobaha caafimaadka si loogu daweeyo iyadoo ugu danbayntii u mahadnaqday Haayada DRC Oo Mashruucan Maalgalisa.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Guddiyada Xaafadahaasi .
Hadhwanaagnews.com
Hargaysa/Somaliland
C/casiis Caydiid Cilmi(Yemeni)
abdiaziiz@hadhwanaag.org