Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Direy Qoyskii, Eheladii, Aqoonyahankii Iyo Bahda Suugaanta Ee Uu Ka Baxay Marxuum Gaariye Oo Geeriyooday,


(Hadhwanaagnews) Monday, October 01, 2012
Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa eheladii, qoyskii, bahta aqoon-yahanka, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan

Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa eheladii, qoyskii, bahta aqoon-yahanka, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo xalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaala dalka Norway oo uu bukaan jiif ku ahaa muddooyinkii ugu danbeeyey.

Sida waa uu Wasirku ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Shabakada Hadhwanaagnews.com,


FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 12pt">Waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:

?Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxa uu tacsi u dirayaa  Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo xalay  ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala dalka Norway oo caafimaad ahaan loogeeyey.

Alle ha u naxariiste Marxuumku waxa uu ahaa Aqoonyahan, hal-abuura oo leh karti , aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.waxaanu ahaa macalin dad fara badan oo reer Somaliland ah wax soo baray, taas oo ay ku anfaceen dadkooda iyo dalkoodaba.

Wasiirku waxa uu Marxuum Gaariye ILAAHAY uga baryayaa  inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.?

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.