Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


New Ucid Oo Magaalada Oslo Ee Dalka Norway Jaaliyada Reer Somaliland U Soo Dhawaysay Si Aan Kalahadh Lahayn..


(Hadhwanaagnews) Monday, October 01, 2012
Norway-(HWN)-Doorashooyinkii golayaasha deegaana ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa dhicidoona bisha November ee soo socota,taas oo dhamaan xisbiyadii hore ujiray iyo ururada cusubi ay isu diyaarinayaan sidii ay

Norway-(HWN)-Doorashooyinkii golayaasha deegaana ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa dhicidoona bisha November ee soo socota,taas oo dhamaan xisbiyadii hore ujiray iyo ururada cusubi ay isu diyaarinayaan sidii ay uga qaybgelilahaayeen,iyagoo dhamaan u tafaxaytay sidii ay u kasban lahaayeen taageerayaal cusub iyo weliba hanti ay ku galaan loolanka doorashada oo runtii u baahan dhaqaale iyo dadaal aad ubadan.
 
Waxaa hadaba hal mar dalkii ka soo ambabaxay xisbiyo iyo ururo u socda sidii ay u soo xasilin lahayeen arimahaa aan soo sheegnay.waxaana ka mid ah xisbiyada hada ku sugan qurbaha ee raba inay taageero af iyo adin ahba ka helaan dalka debediisa xisbiga New Udid oo hada ku sugan caasimada dalka Norway ee Oslo,iyagoo horena u soo

maray dalka UK gaar ahaan caasimadiisa London.
Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka muuqatay abaabul iyo diyaar garow wayni ayaa jaaliyada(maaha Jahliyada?e)dalkan iyo weliba dalalka ku xeeran ee looyaqaano Scandanavian-ka ay ku soo dhaweeyeen hal-doorkii xisbiga New Ucid.Goobtoo aad u diyaarsanayd sidaan horeba u soo sheegnay waxaa ka hadlay xubna dhowr ah oo uu ugu horeyey gudoomiyaha xisbiga Md Faysal Cali Waraabe oo halkaa ka jeediyay khudbad aad dadkii goobjooga ahaa dhegahooda u soo wada jiidatay.
Gudoomiye Faysal wuxuu ka soo hadlay markii ugu horaysay halgankii dheeraa ee Somaliland ku soo gaadhay halka ay maanta marayso,isagoo sheegay inuu nabada asaaskeedii qayb libaax ku lahaa oo xataa uu uga ololaynjiray qaaradan Yurub isagoo markii danbena isada sheegay gudoomiyuhu ka soo qayb qaatay nabadii dalka gudihiisa taas oo aanu ka hadhin ilaa hada.
Waxa kale oo uu sheegay in xisbiga New Ucid uu dhiig cusub ku shubeen iyo isbedel laxaadle isla markaana ay diyaariyeen barnaamij tayo leh oo ay rabaan inay dalka ku hagaan hadii ay ku guulaystaan.dhanka mucaaradada wuxuu sheegay in ay dowlada u sheegayaan wixii khaldan isla markaana ay ku taageeridoonaan wixii ay saxdo.
Maruu ka hadlayay Gudoomiye faysal wadahadalada Somaliland iyo Somalia wuxuu yidhi "waxaan u soo jeedinayaa shacabka Somaliland inay taageeraan wadahadaladas,waynu ku khasbanahay inaanu wadahadalo reer Somalia marhadii caalamkii inagu xidhay.dadka mucaaradayana hajoojaan.?
Waxaa isaguna halkaa khudbad ka soo jeediyay Md Jamaal Cali Xussien oo ah murashaxa xisbiga New Ucid ee jagada M/weynaha.waxaana hadaladiisii ka mid ahaa"dalku wuxuu u baahanyahay dhiig cusub iyo fikrad cusub oo dalka lagu hago.Cidna ma canbaaraynayno laakiin dalku wuxuu u baahanyahay in la dardargeliyo oo xaaladan talaabo gaabiska ah laga baxo.Wuxuu kaloo sheegay inuu talada dalka ka qaybgelindoono dad isaga ka sii aqoon badan oo qaarna aanay weligood siyaasad gelin iyo kuwo hadaba siyaasada ku jira."waxaa iyana hadalo halkaa ka jeediyay mas?uuliyiin badan oo xisbigaa ka tirsan.oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha xisbiga New Ucid ee dalka Norway Eng: C/xakiim Ismaaciil Axmed oo hadalo diiran halkaa ku soo dhaweeyey waftida isagoo dhanka kalena jaaliyada uga mahadnaqay soodhawaynta ay u sameeyeen waftida xisbiga New Ucid.
waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii meeshaa ka hadlay wakiilka Somaliland ee Norway Md Sulub warsame,iyo weliba wakiilkii isaga ka horeeyey md Liilan iyo Majaajiliiste Cabdi Haybe Laanbad oo ka mid ahaa dad badan oo soodhawaynta uga yimi dalka Sweden oo isagu halkaa ka jeediyay hadalo isugu jira guubaabo,kaftan iyo soo dhawaynba.
 
Waxaa la filayaa in waftidani ku sii sugnaadaan dalka Norway ilaa mudo todobaad ah,iyagoo sheegay inay kulamo la yeelandoonaan madax ka tirsan dalkan iyo weliba qaybaha jaaliyada ee Somaliland.
 
Weriye:Saciidjamaal.....Oslo,Norway.....+4745572902
Hadhwanaagnews

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.