Kadib markii ay soo baxday geerida Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka mid ahaa tiirarka looga danbeeyo murida Soomaaliga, gaar ahaana marka ay timaado in suugaanta cilmiyan loo lafa guro.
Hadhwanaag ahaan waxaanu isku daynay inaanu ogaano qaban-qaabada aaska Marxuumka iyo goorta laga soo qaadayo Norwey iyo halka ay hawshaasi mareyso.
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ka mid ah
dadka ku foogan hawsha oo aanu la xidhiidhay ayaa waxa uuu yidhi ?Guddida jaaliyada Norway ayaan la xidhiidhay oo uu ka mid yahay Cabdilaahi Saleebaan Bidde, waxaanay ii sheegeen in Arbacada haddii Eebe idmo la keenayo Maydka Marxuum Gaariye Magaalada Caasimada Norway ee Oslo, kadibna laga soo qaadi doono Oslo iyada oo wakhtiga la keenayo dalka aanu dib idinku soo sheegi doono. Ta kale waxaan doonaya inaan uga afaa?iideysto waraysigan. sida aad Hadhwanaag ahaan iila soo xidhiidheen waxaa jira dad baddan oo I soo weydiiyay faah-faahinta hawshan, oo ay ka mid yihiin guddiyada ardeyda Jaamacadaha, Abwaaniin, Fanaaniin, Saxaafadda, qaar ka mid ah Axsaabta siyaasada ee qaranka iyo Saaxiibadda kale ee Marxuumka, sidaas darted waxaan Leeyahay oo aan la socodsiinayaa in la dhowrayo oo aynu Madaxweynaha ka sugayno inuu saacadaha soo socda magacaabo Guddi Qaran oo midaysa dhinacyada oo dhan si aan hawshu u baahin. Waxaanan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo dhamaanteen. Waanan idinla socodsiin doonaa hadba halka qabanqaabada Aasku marayso?
 |
| Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax |
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com