Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si kedis ah u tagay Magaaladda Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska General Cabdilaahi Fadal, iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland General Faysal Kaamil Ciise.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xubnaha la socday ayaa salaadii jimcaha kula tukaday shacabka reer Gabilay Masjidul Jaamac, halkaas oo ay dadku ku war heleen.
16pt">Inta badan shacabka reer Gabiley oo uu saaka madaxweynaha Somaliland Martida u ahaa ayaa waxa ay isha ku dhufteen madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanay la soconin gaadiidka lagu yaqaano ee Tiknikaddaha oo dhex tax-taxaashaya Magaaladda Gabiley.
Ma jiro war faah-faahsan oo ka soo baxay maamulka madaxtooyadda oo ku saabsan ujeedada ka dambaysa socdaalka Madaxweynaha Somaliland, balse waxa uu u muuqdaa mid uu ku indho-indhaynayo xaalada ay ku sugan yihiin shacabka reer Gabiley.
Socdaalkaasi ka dib ayuu madaxweynaha Somaliland dib ugu soo laabtay xarunta Qasriga Madaxtooyadda.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland