Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xukumada Siilaanyo Maxay ukala Jeclaysatay Labadii Marxuum ee Cornel Saqadhi Dubad iyo Abwaan Gaariye.


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2012
waxaan halkan ka salaamaya mareegaha warbaahinta dhamaantood hadhwanaagnews dhamaan oo kala hadhlaheyn inta ay soo gaadhay qoraalkeyga dhamaan aan hayo address yadooda.

waxaan halkan ka salaamaya mareegaha warbaahinta dhamaantood hadhwanaagnews dhamaan oo kala hadhlaheyn inta ay soo gaadhay qoraalkeyga dhamaan aan hayo address yadooda.

 
waxaa igu dhaliyey in aan qaato qalinka Anigoo ku sugan dalka kenya gaar ahaan Caasimada kenya. waxaan horta tacsi u dirayaa dhamaan inta dhimatay u soo halgantay qaranka somaliland gaar ahaan waqti xaadirkaan abwaanka caanka ah ee gaariye.

waxaan qoraalkeygu daaran yahay maanta labada mujaahid taliyihii hore qaranka ciidamada Booliska iyo Gaariye.
waxaan ku faraxsanahay aaskii qaran ee Gaariye loo sameeyey laakin markaan taariikhda dib u milicsano xukuumada waxaan farayaa in ay kala jecleysan muwaadiniinta. Allaha u Naxariisteee Taliyihii lagu xasuusto amaanka Somaliland aad uga shaqeeyey kana maarmi waayey

xukuumada maanta jirta ay soo ceshatay howl karnimadiisa uu u lahaa qaranka dib loo soo celiyey in lagu aaso dal aan dalkiisa aheyn ayna xukumada maanta jirta kulmiye ay muhiimad u yeelin in uu dhintay taliyihii qaranka iyo in uu dhintay shaqsi caadi ah umay kala baxsaneyn.


waxaa weeye waa in ay qaadataa masuuliyadii lagu aasay ceebteeda iyo garnaqsigeeda xukumada kulmiye maanta jirtaa.
waxaa loobaahnaa in xukuumada kulmiye haddii uu maanta ahaan lahaa retire ama howl gab waa in ay u sameyso aas qaran.

Shaqsiga aad ka ugu weynaa sugida amaanka Somaliland Mudane Saqadhe Dubad isagoo iska nasan karo dad ah jagadiisa lagu soo celiyey isagoo xil dowladeed hayo ayaa meeshaa waxaa ka soo baxday caadifad ay kula dulkuftay ayna u eegin Taliyiihii qaranka Somaliland oo geeriyooday.

Xukuumada maanta jirtaa ay u aragtay Taliyihii Daahir Riyaale kaahin. Hadaba ciidamada Booliska Somaliland waxaa tihiin walaalo hadaad maanta is laydin darajeyn waayo askari aan macno ku fadhiyin aad noqotaan ogaada xukuumaduhu waligood way is badalayaan kii yimaadanna sidaa ayaa laydin xaqirayaa.

waxaan u soo jeedinayaaa xukuumada maanta jirtaa in aysan dhiiri galin qabyaalada , nin jecleysiga iyo uurxumada umada lakala dhex dhigayo.

waxaan leeyahay gaariye waa mudan yahay madaxda qaranka yaan lakala jecleysan horay waan ku ogaa xukuumada kulmiye in ay darajo u heyn dadka qadarinta ku leh dalka Somaliland.


Waxaan shacabka farayaa ilaahey haka yaabaan in ay kulmiye aysan codsiin maantanna ay somaliland qatarta karaamada dalka iyo shaqsiga ku dhaceysa aan arkeyno aad wada u jeedaan in qarash loo waayo Taliyiihii qaranka Somaliland maantanna qarash loo helay gaariyo iyo gudi aas qaran qabo qaabo qaran loo sameeyey waxaa arintaas ka xun inagoo dhan arinkaas waxaa shacabka Somaliland loogu abaal gudi karaa taliyihii qaranka Somaliland Nabada ilaahey baa hayee in badan ka soo shaqeeyey oo kaliya waxaa weeye in aan codeynta Xukuumada maanta jirtaa aan ka leexino.

aan u leexino Xaqsoor,Ummada iyo New ucida.

waayo lama sugi karo dowlada xummaato shansano waa waqti dheer waa in mudaaharaad nabad galyo ah lagu ridaa xukuumadii dawgii lagu doortay ka baxda waa in aan iska ilaawnaa qabyaalada ina daashatay Somaliland.



waxaan tacsi u dirayaa eheladii laga geeriyooday dhamaan dadka karaamada ku leh ayna niyadooda isku xumeyn gaariye waa lakaraameeyey innaganna inankeena lama karaameyn waan is wada jecelnahay laakin xukuumada gabtay garashadeeda iyo darajada aadanaha uu leeyahya.


waxaan u soo jeedinayaa somaliland in ay ku waaraan guul iyo gobanimo aan xaqa afka laga xiran niyada waxa ku jira banaanka lasoo dhigo wabilaahi towfiiq.




AHMED BASHIIR MOHAMED (AHMED SAFARI)
somalilandfirst@hotmail.com
+254722819048
 
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.