Dadkayga reer Sl daacad weyaan oo ilaahay weligood ma kashifiyo cadowgoodna guulaysan maayo cidna colaad iyo dhibaato arrgoosi iyo calool xumo uma hayaan wana sifaha iyo astaama loogu yaqaan looguna garto ummadda Islamka runta ahii ku banaan tahay haddi aan wax yar ka sheego aragtidayda socodaalka Yusuuf Garad oo muddo dheer ahaa tafatirahii laanta Bbcda´ qeybta AfSoomaaliga xarunteeda tahay London.
Waxaa jira rag badan oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo xita qaar faro ku tiris ah oo reer Slna oo markaay saaxadda siyaasadda ku fashilmin dan iyo shaqo mooday
inaay mushahaar kaga qaadtaan ha´yaddaha sirdoonka sidaa (M´6 FBI, CIA) interpol ee reer galbeedka shaqoyiin qarsoodi ah uga hayan dhamaan dalka Somaliland iyo Somaliya oo la geliyey mushrucaa liisga argagaaxiisada oo ah mashrucaa keliya ee wadamada hore u maray imika dalalka Islamka ka shaqaysdaan waxna kaga iibiyaan.
Waxaa hubaal aan dadkii Soomaaliyeed intii loo hanweyna siiba loogu tilmaamo aqoon yahano mutacalimin (intellectual´) (Academics) ee ahaa qurbejooga badankoodu ku tallaabsadan wax ka baxsan sharaftii karaamadi dhaqankii soo jirkeenka ahaa ee Soomaali ku faani jirtay hadday wadanimo gumeysi iyo shisheeye nacayb kalsoonidi iyo hanweynti Soomaali hibo iyo gobnimo u lahayd aay meeshi ka baxday dadkii u badan yihiin keligii noolaadeede dalkiisi iyo khayraadkii wadanku leeyahay loogu xaraasho dhowr boqool kun oo dollarka Mareykanka ah.
Kulankii Yusuuf Garad iyo wasiir Dr´ M. Cumar haddi aad sawiirkaas aad u fiiriso ama tuurjunto wuxuu u eeka laba niin oo sir weyn oo qarsoodi ahii ka dhexayso lagana wada hadlayey barnaamij loogu waxyeelaynayo qaranimada iyo gooni isu taaga Sl waa mashruuc laga soo dhoob-dhoobay Xamar ee loogu magac daray Road map.
Waa siyaasadda cusub ee mamuulka madaxweyne Maxamuud Sheikh Hassan soo bandhigay madaama Yusuuf Garad yahay weriye caan ah aadna taageersana mabda´ midnimo ama federal Soomaaliya inuu Somaliland ka iibiyo siyaasadda cusub ee reer Koonfureeddku hada fahmeen oo ah qunyar socod eryo macaan laakiin wax kale uga hoosayn aan hayn Sl ma go´ ii karaan waxay ka mid yihiin Soomaaliya xamar waxaa nala jooga kontoneeyo siyaasi iyo xildhibaano kasoo jeeda beelaha Sl waxaas oo dhaami waxay ka mid yihiin hadalada iyo adeegsadan walaalaheena reer Koonfureed.
Inkastoo Yusuuf Garad ku guuldarraysday hamigiisi madaxweynimo ee Soomaaliya haddana wuxuu xubin miisan culus ka yahay dowladda cusub ee Prof madaxweyne Sh Xassan hormuudka ka yahay oo wadta dardar iyo taageero balaadhan oo calaamku u dhan yahay.
By: Cali C/laahi Ismacil Dheeg
Newport_SouthWales/UK
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.