aan isku koobo hal dhinac oo iyadda lafteeda aan hal qormo lagu soo koobi karin. Waana dhaqanka iyo dabeecadaha uu Duqsigu leeyahay.
Duqsigu waa noole duula, cimri ahaana muddo dheer ma jiro. Wuxuu inta badan ku noolyahay meelaha uu Aadamahu dego.
Duqsigu wuxuu jecelyahay oo uu ku noolyahay meelaha iyo waxyaabaha liita. Wuxuu damqaa nabarada, wuxuu ku dhacaa weelka aan daboolku saarnayn!
Dad ahaan haddii aan isu fiirino dhaqamada iyo dabeecadaha Duqsigu leeyahay, waxa aan arki karnaa in dadku uu yeelan karo dhaqamadan oo kale, Duqsigana uu la mid noqon karo! Miyaanay isku dhaqan noqonayn Duqsiga, haddii?:
1. Aynu fadhiisano meelaha aan fiicnayn, kana fogaano masaajidda!
2. Aynu jeclaano in aan af iyo adinba ku dhino dadka kale!
3. Aynu dhex dabaalano wararka iyo xanta dadka kale!
Haa, runtii waynu la dhaqan iyo dhiigba noqonaynaa! Waana arin loo baahan yahay in aan hoos u eegno oo aan iska ilaalino, haddii aynu marar hore il duufnay.
Dhanka kale, si la mid ah Duqsiga ayaa noolaha Shannida loo yaqaano oo iyana ka mid ah abuuradda Alle ay u tahay mid muddan in aan eegno.
Shinnidu waxay u nooshahay wada-jir, waxay jeceshahay ubaxa iyo udgoonka. Waa xoog wax-soosaar, cid kuma duusho, haddii la soo doontana way is difaacdaa!
Miyeynaan yeelan karin dhaqamada iyo dabeecadaha Shinida oo aynaan ka shaqeyn karin wanaageena aduun iyo aakhiro? Haa, waynu awoodnaa, waana arin inoo yaal oo ay tahay in aan abaarno!
_____________________
Axmed-Keyse Cali Rooble
Qoraa, hal-abuure, cilmi-baadhe iyo aragti-yahan.
Stockholm, Sweden.
ahmed.roble@gmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.