Oslo, (HWN/Reuters):- Midowga Yurub ayaa markii ugu horaysay taariikhda ururkaas ku guulaystay abaal Marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, taas oo sida la sheegay ururkaas loogu sharfay, dedaalka wayn ee uu ka sameeyay, nabada iyo xuquuqda aadamaha oo uu muddo dheer ka shaqaynayay.
Ururka Midowga Yurub oo lixdan jirsanaya waxa sida la sheegay uu ku guulaystay inuu dib u mideeyo qarada Yurub oo ku kala burburtay dagaaladii labaad iyo kowaad ee qaaradaas halakeeyay, isla markaana
kala goo gooyay, taas oo ugu danbayntii uu ku guulaystay in uu ka dhigo qaarad kaliya oo nabdoon.
Guddoomiyaha jimciyada maamusha abaal marinta Nobelka [Nobel Committee Thorbjoern Jagland, oo xafladii midowga Yurub lagu guddoonsiinayay abaal marintaa ka hadlay ayaa sheegay in Ururka Midowga Yurub ay abaal marintan u siiyeen si ay dunida u xasuusiyaan in ururkaas horumarkii ugu waynaa ka sameeyay arrimaha nabadaynta iyo horumarinta gaar ahaan xuquuqda aadamiga, [Midowga Yurub waxa uu Qaarada Yurub ka dhigay mid dagaaladii burburiyay ku badasha nabad galyo iyo horumar ay ku ladaan shucuubtoodu.]
Abaal Marinta Nobel Peace Prize oo ka mid ah jaa?isadaha ugu qiimaha iyo maamuuska sareeya dunida waxa lagu qiyaasaa in qiimaheedu dhan yahay hal milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar, waxaana inta badan la siiyaa dadka ka shaqeeya arrimaha aadami-nimada sida qorayaasha, dadka ikhtiraacyada soo kordhiya gaar ahaan sayniska iyo dadka ka shaqeeyaha arrimaha xuquuqal iinsaanka.
Midowga Yurub oo wakhtigan la baaxaa degaya dhaqaalo xumo soo waajahday, kaas oo waddamo ka mid ah ururkaasi ku masalafeen heerka dhaqaalahooduna ku dumay sida dalka Giriiga oo kale waxa ay abaal marintani u noqonaysaa mid rejo wayn ku abuurta, wallow aanu ururkaasi wax tafaasiil ah ka bixin soo dhawayn iyo diidmo midna.
Ururka Midowga Yurub oo ka mid ah ururada ugu saamaynta badan dunida ama lagu tilmaamo ka laabaad ee ku xiga Qaramada Midoobay waxa la aasaasay sanadkii 1957-kii, kaas oo laga sameeyay magaalada Brussels, ee imika xaruntiisu tahay, kaas oo ku dhismay heshiishkii Treaty of Rome, ee lagu kala saxeexday caasimada Talyaaniga ee Roma gaar ahaan dhismaha lagu magacaabo, 15th century Palazzo dei Conservatori.
Lix dal oo ka mid ah ururka Midowga Yurub ayaa sanadkii 1975-tii samaystay wax loogu magac daray Suuqa Yurub, laakiin wakhti xaadirkan waxa uu ururkaasi ka kooban yahay todoba iyo labaatan waddan, waxaanu ku baahsan yahay inta u dhaxaysa Bada Atlantiga, Ireland ilaa xuduuda dalka Russia.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com