Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Waddada Weynu Simanahay! W/Q-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2012
Tan iyo intii Kulmiye Doorashada ku Guuleystey waxa Meelo badan oo wadank ah ka Hirgalay Sameynta Wadooyin kala duwan oo Wax weyn ka taray isku socodka dadka iyo Baabuurta

Tan iyo intii Kulmiye Doorashada ku Guuleystey waxa Meelo badan oo wadank ah ka Hirgalay Sameynta Wadooyin kala duwan oo Wax weyn ka taray isku socodka dadka iyo Baabuurta intaba.Dhismaha Jidadka iyo Wadooyinkuna maaha kuwo ku kooban Gobol keliya hase ahaate waxa si isku Mid ah dedaalka waddo Raadinta iyo Sameyntuba uga Bilaabmey gebi ahaan Gobolada dalka oo dhan.Waddooyinka isku Xidha Gobolada Qaarkood Ayaa la bilaabey,Halka meelo badan laga Hirgeliyey Wadooyinka dhex mara ama isku Xidha Magalooyinka waaweyn ee Dalka.Waa su,aal Jawabteedu gaar tahay in la is weydiiyo Wadooyinka Ma dawlada


Ayaa Dhiseysa oo Lacagteeda ku bixisey Mise Dadka wadanka Ayaa iskaa wax u qabso iyo Qaadhaan uruurin ku Dhisaya.Waxase Arin laga wada Dheregsan yahay ah in Dawladu markasta Saami iyo Qalab ku darsato Waddo kasta oo Dhismaheedu Socdo.Tartanka Gobolada iyo Qurbo Joogu ku garab galayaan Wadooyinka taga ama ka soo baxa Magalooyinkoodii ayaana ah mid si weyn u muuqda.Dhismaha Wadooyinkuna waa kuwo la curtey Horumarka Somaliland ugu Jirto wadan Madax banaan.

 

Wadada weynu simanahay dhamaanteen Waayo Dhamaanteen Ayaa Wakhti kasta soo Mara.Wadada waxa iskugu Yimadaa Malayiinka Baabuurta wata iyo kuwa Lugeynaaya.Waddada waxa soo Mara kuween wata Baabuurta ugu quruxda badan,Kuwa wata Baabuurta gaboobey,Kuwa wata Baabuurta waaweyn iyo Yaryarkaba.Midkasta waddada ayaa soo Dhaweysa oo uu Marayaa.Kuwa socda,Kuwa Baaskiiladaha saaran,Mootooyinka,Kuwa Dameerada iyo Fardaha saaran iwm.Gaadhiga ugu jaban iyo Midka ugu qaalisanba Godadka waddooyinku wey Qabsadaan oo Mid si gaar ah uguma Naxariistaan.gododka wadooyinka ku yaalaa waa u halis baabuur kasta oo midna ma dayaan.waa kuwo aynu isku aragno iskuna dhaafno una soo baxno kuna dhacno,kuna soo Dhex xaragoono,Inaga oo baaburta gacan keliya ku dhex wadna.wadooyinku waa kuwo aaskaaga iyo meydkaaga la soo marin doono ama laga soo saari doono.

madax iyo shiciba halka aynu wada marno nina aanu ninka kale ka xigin waa wadooyinka.Xawaare dhan 20 ama 40 Ayaa loo qondeeyey in Suuqa lagu dhex socdo.Maaha in Madaxdu 80 ku Maraan,Mana ah in shicibka Midna 100 magaalada gaadhi ku dhex wado Midna 40 ku socdo.Wadooyinka cidna looguma eexdo.Mararka laga tago Ayaamo iyo Munaasibado gaar ah oo si Haboon loo soo maro ama Madaxi galbis ku dhaafeyso.

 

Waxaan Taagnaa Kantaroolka laga galo Boorama markii wiil shaqaale gaar ahi uu ii jaray Warqad lacag qabashada ah oo lacag ku darso wadada isku xidha boorama iyo hargeisa inta hadhey ee aan weli la dhameystirin,Waxaanan Isla goobtii ku bixiyey lacagtii uu ku qorey warqada.Markasta oo aan maraayo Wadada Jigjiga yar hor marta Summertime Golisuniversity waxaan dhibsan Jirey qeyb wadada ka mid ah oo si weyn Roobku waxyeelo ugu geystey,Hadase Dhismo lagu wado.
 
 

Xaafado badan waxa laga Hirgeliyey Wadooyin in badan la sugaayey Kuwaasi oo ka qeyb qaatey isku socodka bulshada,Hab shuraako ah oo la wadaagayo Kharashka iyo Qalabka Ayaa lagu meelmariyey,inkasta oo la odhan karo Waxa laga Dhisey Waddooyin xaga tayada iyo sameyntaba ku liiita oo muddo yar ku xumaan doona.carakaawo waxooga jay ah iyo daamur fudud oo lagu dhejiyo waa habka dhismaha wadooyinka badi caasimada lagu dhisey.

Waddooyin la ilaaliyo,Sinaan iyo Sharci lagu maro,Shuruucda wado marista loo Hogaansamo,aan xashiishka lagu shubin,Qashinka iyo Biyaha lala soo doonan,Dhinac kasta la iska dhaafin,Xawaare kasta lagu socon,Taraafikada la Ixtiraamo,Ruqsad wado Marin loo Heysto,Xayawaanka sida Dameeraha,Lo,da iyo Eyda Habowga ah laga Kaxeeyo,Quruxda wadada la hagaajiyo,Amar lagu dhaqaaqo,Loo samro oo aayar lagu socdo,Baabuur kastaaba Haadkiisa iyo waddadiisa maro Ayaa ah mida lagu faani karo.

 

Hadal heynta ugu badan ee wakhtigan Ayaa ah Dhinaca Dhismaha wadooyinka cusub iyo dayactirka kuwii hore,oo si iskaa wax u qabso wadanka looga dhisaayo.Waddooyinkuna waa Riyada Magaalooyin isku furan oo isku socodka ganacsi iyo wada noolaanshuhu si sahlan u dhex mari karo.20 sanno ka dib in loo dhaqaaqo horumarinta wadooyinkii ugu horeeyey ee laga dhex sameeyo gobolada qaarkood waa himilo iyo riyo in la rumeeyo ay tahay.Waana in la ilaaliyo Kuwa dhisan ee faraha laga qaadey,Maaha in lagu kibro,Askariga jiifana laga Jaro,Xawaarihii la doonana lagu dhexsocdo.Dhalinyarta Golaha deegaanka isku baacsaneysana Mid kasta waxa Qorshaha ugu Jirta waddooyin,Biriijyo iyo Buundooyin la dhiso oo laga Sugaayo.ACCOUNT-ka u furan Wadddooyinkana wixii aad ku shubi karto u dir,Jaadkaba waadiga maalintii 10$ wadanka laga keeno u dira e.Waddooyinka Madaxtooyada la Hoosgeyeyna wixii ka soo baxa waa la arki.
 
Long Live Somaliland Roads.
 
 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.