November ee sanadkan 2012 ka taas oo ay wel wel badan ka qabto in xusbil xaakimka dalka u taliyaa uu salaanka siyaasada ka siibto inkastoo ragii xisbiga aas aaskiisa lahaa ee ka soo shaqeeyay barnaamijkiisa meesha laga saaray si loo meel marsado kii u qarsoonaa madaxweyne siilanyo iyo inta ku hareeraysan ee talada wadanku ka godo!,
waxa todobaadkii u danbeeyay xukuumadu ku mash quulsanayad sidii ay wax uga kasban lahayd codka dadweynaha reer somaliland ee dhawaan u dareeraya goobaha codbixinta ee lagu dooranayo xubnaha golayaasha deeganka, iyadoo taas ka shiidaal qaadanaysa ayuu madaxweyne siilayo isugu yeedhay golihiisii wasiirada ee awelba beenmasheegayaasha u ahaa si uu uga dhegaysto wasiirkastaaba inta uu qorshe beena uu hayo si uu isugu qanciyo oo uu xoogaa cimri dherer ah uga helo,
isagoo og meesh ay sartu ka qudhunsan tahay ee u baahan in xalkeeda la helo ayuu wasiiradiida ka dhagaystay heestii ahayd shimbirayahow heesa,
wasiiradaas oo ka dhigan (nin dawee la leeyahay danbi uu badh leeyahay isagay u darntoo inuu daaro ma ogola deebaaqda mililka leh!)
inta uu madaxweynuhu waraysanayo nin xilkiis! a ilaashanaya oo aan jeclayn in shaqadiisa lagula xisaabtamo waxaa u dhaantay inuu isugu yeedho shacabkii doortay oo ku yidhaah isaxa bal waxa iga khaldan markaasuu ogaan lahaa waxa ka khaldan iyo meeshay kala joogaan umadii u codaysay,
sidii boqorkii shiinaha ahaa ee dhegaha cuslaa ee afarta ku xeerani u soo warami jireen ee ay ku odhan jireen dadka oodhami waa kuwada daacad ee markii uu waayay dadkii uu xukumi jiray wax cabasho u socda ku yidhi waar bal dadka ii soo shiriya sidani caadi maahee si aan u ogaado waxay tabanayaan markaad soo shirinaysaana dadka inta cabanaysaa waa inay soo xidhaan dhar wada cas si aan u ogaado cabashada dadka kadib dadkii oodhami soo xidhay dhar wada cas loona waayay qof shaykale soo xidhay ee halkaas ku ogaaday inaan cidina ogolayn dadkuna ka daalay xukun kiisa!,
madaxweynuhu miyuu ka liitaa boqorkaas dhega la,aa ee gartay waar bal dadka qasrigan hakaga xidh naane yaanay kooxdani been dhegaha kaaga afuufine bal dadka u baxa oo soo warayso meeshay wax marayaan iyo waxay ka cabanayaan, abwaan kayd ayaa murti uu leeyahay ku yidhi cudurka kaagala fardaha hadii lagubo dameer dawada lama gaadhayo! hadii aad marba meel aan arinku ku jirin ka baadi doonto waaga ayuun baa kugu beryi!
somalidu waxay tidhaaah daa fule xantii ma mooga! dareenka ugu wayn ee hada xukuumada la soo dersay waa inay ogootay inay faro madow ka hayso taageerayaashii faraha badnaa ee 2010 kii codka isla bar bartaagay oo meesha ka baxay markii ay ogaadeen in lagu guuray oo aan waxba loo qaban laguna shaqaystay!, waxayse garan la dahay xukuumadu sidii ay u maarayn lahayd oo ay dawadeeda u gaadhi lahayd,
maxaa lagudboon shacabka somaliland ee raadinaya hogaamiye ka run sheega waxay rabaan iyo himila dooda? rasuulkeena suuban NNKH Moxamed ayaa waxa uu xadiis ku yidhi muuminka laba god laguma wada qaniino! somaliduna waxay tidhaah mar idage aleh ha dago laba jeer idagena anaysdagay! maanta waa maalintii ay codkooda ku aa! rsan lahaayeen ee ay muujin lahaayeen himiladooda waana jaanis haduu seego ay hadana sugayaan waqti dheer waxaan odhan lahaa godkii shalay reer kulmiye iyo siilanyo idinku qaniinay yaanay maantana idinku qaniinin ee jaaniskiina hadayacina maalita 28/11/2012 ee loo qondeeyay maalintii kala baxa xaqa iyo baadilka ka faa,idaysta, waad salaamantihiin meelkasta oo aad joogtaan salaamu caykum.
aadan axmed nuur
Dublin Ireland
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.