Gabiley(HWN)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed
C/laahi Cumar ayaa galinkii dambe ee maanta kulan is xogwareysi
xaalaadka Gobolka ah oo albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Gudaha
Magaalada Gabiley Maamulka Gobolka ka iyo Degmada, Duqeyda iyo
Waxgaradka Gobolka Gabiley, iyo xubno kamid ah Xildhibaanada Golaha
Deegaanka Degmada Gabiley si ay isaga wareystaan Arimaha Gobolka ee
dhinacyada Arimaha Bulshada waxqabadyada u qabsoomay iyo arimaha kale
ee tabashooyinka ah.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar oo
kulankaasi kadib si gaar ah uga waramey Shabakada Wararka
Hadhwanaagnews ayaa sheegay, in kulankani ahaa sidii Xukuumadu u ogaan
laheyd Guud ahaanba Arimaha Gobolka Gabiley kajira Waktigan Xaadirka
ah isagoo Wasiirku Xusey in Kulankiisani gaar ka ahaa Socdaalkii
kadiska ahaa ee Madexweynuhu kusoo Gaadhey Maanta Magaalada Gabiley ee
Xarunta Gobolka Gabiley.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Dr Maxamed