|
|
Ururka SODRA oo Munaasibad Balaadhan Abaal Marino {Awards} ku Maamuusey Haldoorka Horumarka Ee Somaliland. (Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2012 Hargeysa(HWN):-UrurkaHorumarinta Daraasadaha Somaliland ee SODRA ayaa soo bandhigay Daraasad balaadhan oo ku saabsan Hurumarka dalku gaadhay Labadii sanadood ee ugu dambeeyey iyo Hay?adii hormoodka ka ahaa arintaasi.
Hargeysa(HWN):-UrurkaHorumarinta Daraasadaha Somaliland ee SODRA ayaa soo bandhigay Daraasad balaadhan oo ku saabsan Hurumarka dalku gaadhay Labadii sanadood ee ugu dambeeyey iyo Hay?adii hormoodka ka ahaa arintaasi.
Daraasadani uu samaayey ururka SODRA oo lagana sameeyey Guud ahaan Gobolada dalka ayaa waxay ay ahayd Qiimayn ku saabsan Horumarka ay samaayeen iyo waxqabadka Hay?adaha Dawlada, barnaamijyada Horumarinta ah ee ay dalka ka hirgalinyeen Ururada wadaniga ah iyo Hay?adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka halgala iyo Shirkadaha Wadaniga ah.
Daraasadani ayaa waxa lagu soo bandhigay Munaasibad balaadhan oo habeenkii xalay
lagu Qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, munaasibadaasi oo ay ka qayb galeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada iyo Madaxda Shirkadaha Wadaniga ah,Hayadaha Caalamiga ah Iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Munaasibadaasi oo {AWARD}. lagu gudoonsiiyey in ku dhow 38 Hay?adood oo isugu jira kuwo dawlada iyo Hay?ado Madaxbanaan ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha ururka Horumarinta Daraasadaha Somaliland ee SODRA Axmed Maxamed Shaqale waxana hadaladiisii ka mid ahaa ? Hawshani oo ah hawl ku cusub ummadeena Somaliland maynu lahaan jirin, in dadka waxqabta la abaalmariyo ama la dhiirigeliyo , waxa aynu og nahay in marka maanta qofku mar uu wax wanaagsan qabto haddaan la dhiirigelin waxa ay noqonaysaa in uu niyad jabo , markaa ujeedada ka dambaysa xafladani , waxa weeye ummada in kii wax u qabtey la dhiirigeliyo , , run ahaantii waxa aad ka garan kartaa wixii la qabtay,waxa aanu soo marnay lixda gobol? ayuu yidhi Axmed Shaqale.?
Ahmed Moxamed Shaqalle waxaa uu intaa kudarey {Barnaamijkan oo Sanadle ah Waxaa uu Noqonayaa mid Sanadleh ah oo heer qaran ah oo layidhaahdo{Abaal Marinta Danta Guud Iyo Daryeelka Bulshadda,{DGDB Award 2012}.
Waxaanu Axmed Shaqalle gabogabadii umahadnaqey Shirkadda Dahabshiil Groou iyo Sagal jet Oo iyagu Barnaamijkan Maalgeliyey.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somalilannd isla markaana u hadlay xildhibaanada u hadlay xildhibaanada abaalmarinta la siiyay , ayaa amaanay qiimaynta ururkani ku sameeyeen dadkii waxqabadka sameeyay
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan , ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay dadaalka ay samaynayaan dadka dhalinyarada ahi,waxaana uu yidhi ? Runtii waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay dadaalka dhalinyaradu samaysay oo ay isku dayeen in ay qiimeeyaan bulshada ay dhex joogaan hadday tahay madaxda iyo hadday tahay bulshada kale duwan , iskood is direen kuna soo saareen qiimayn xukuumadiinaan ka mid ahaa? ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyadu.
Waxaana gabagabadii halkaas Abaal Marino Awards ahaa oo Markii Ugu Horeysay Somaliland lagu Qabtey lagu guddoonsiiyay , xubno isugu wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal, hay?adda dalka ku sugan iyo madax kale, waxaana kala yihiin.
Marwada Madaxweynaha Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde.
Wasiirada wasaradaha , Duulista, Qorshaynta, Arrimaha dibeda , Madaxtooyada , Beeraha ,Waxbarashada ,Kaluumeysiga, Arrimaha gudaha, Ganacsiga, iyo wasiir ku xigeenada wasaarada Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Agaasimayaasha guud ee wasaradaha Arrimaha, dibeda, Madaxtooyada Iyo Maamulka Iyo Xisaabaadka Wasaarada Daakhiliga.
Maareeyaasha Wakaalada biyahaHargeysa iyo Mareeyaha Hayada Wadooyinka Somaliland.
Xildhibaanada kala ah, Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) , Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) , Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Maayarka Berbera iyo Maayar ku xigeenka Gabiley
Shirkada Dahabshiil Group,Sagaljet ,AOA,
Hay?addaha kala ah Save The Children , UNICEF , UNFPA , OIM , DRC , Hotel Maansoor
ADMAS UNIVERSITY ,SONYO , SOCSA , NAGAAD , shaqsiyaad kala ah Maxamed Cabdilaahi Ducaale , Xasan Waraabe-cade iyo Mubaarik Bidha.
Dhamaan hay?addahaas iyo shaqsiyaadkaas ururka Horumarinta Daraasadaha Somaliland ee SODRA uu Abaal Marinaga Gudoonsiiyey , ayaa lagu sheegay in kaalmo firfircoon ka qaateen horumarinta kaabayaasha bulshada
Hadhwanaagnews.com
Contac@hadhwanaagnews.com
|