Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xaglatoosiye Inta Uu Hargeysa Yimid Ayuu Madaxtooyada Ka Yidhi Xaqsoor-baan Ahay, Taasina Waa Guul u Soo Hoyatay Somaliland...Gudoomiye Xasan Ciise Jaamac+Daawo Sawirada


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2012
Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen safar ay ugu maqnaayeen dalka Djabouti

Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay  soo dhamaysteen  safar  ay  ugu maqnaayeen  dalka Djabouti.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo ay wehelinayaan ,gudoomiye ku xigeenka ururkasaa Cali Axmed Maxamuud (Cali Sandule) iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ururkaas ayaa waxay soo dhawayn diiran kala kulmeen dadweynaha ku dhaqan caasimada gobolka Saaxil ee Berbera ka dib markii ay ka soo dageen

garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha magaalada Berbera ayaa waxa uu ka war bixiyey socdaalka uu ugu maqnaa dalka Djabouti isaga oo sheegay inuu safarkaasi ugu soo dhamaaday si guul ah, isla markaana uu safarkaasi uu ahaa mid muhiim u ah ururka Xaqsoor.
Sidoo kale gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xasan Ciise Jaamac waxa uu rajo buuran ka muujiyey soo bixitaanka urur siyaasadeedka Xaqsoor, isaga oo sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan inuu ururka Xaqsoor ka mid noqon doono sadexda xisbi qaran ee loo baahan yahay inay soo baxaan ?ururka Xaqsoor rajo fican ayuu ka qabaa inuu soo bixi doono, gobolada darafyada ee Somaliland waxay inaga mudan yihiin inaynu u abaal celino, waxay inala qaateen nabadii iyo xoriyadeenii inaga luntay ee aynu la soo noqonay, laakiin wali looma abaal gudin, ururka Xaqsoor talaabooyinka uu ku dhaqaaqay durba waxtar balaadhan ayey dalka u soo hoyeen, oo waataa xabadii ka soo dhacaysay gobolada barigu istaagtay ee hogaankoodiina ku dhiiraday inuu madaxtooyada Soo galo oo uu yidhaado Xaqsoor baan ahay, taasina waa guul u soo hoyatay Somaliland, talaabooyinkaas waxa dhaliyey dedaalka uu ururka Xaqsoor uu sameeyey.?
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi ?talaabooyinka uu urur siyaasadeedka Xaqsoor qaaday waxay muujinaysaa inuu si buuxda u soo baxayo, oo uu ka mid noqon doono sadexda qaran ee ku guulaysan doona doorashada golaha deegaanka.?

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa habeenka caawa waxay ku hoyan doonaan magaalada Berbera iyaga oo maalinta bari ahna uga gudbi doona magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Berbera/Somaliland

Goud423@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.