Tokyo, (HWN/Agencies):- Shirkada Toyota oo ah shirkada ugu wayn farsamaynta gaadiidka noocyadooda kala duwan ee dalka Jaban, kana mid ah shirkadaha kaalmaha hore kaga jira dunida ee sameeya gaadiidka ayaa shaaca ka qaaday in suuqyada dunida ay kala baxday oo dib ugala noqotay todoba milyan oo gawaadhida Shirkadaasi farsamayso ah.
Toyota ayaa sheegtay in sababaha ugu badan ee gaadiidkeeda ay suuqyada uga celisay, la xidhiidho farsamo xumo iyo tayo yaraan soo food saartay gaadiidkaas gaar ahaan
dhinaca korontada, sida ay shirkadaasi cadaysayna waxa ugu badan moodeelka loo yaqaano, Toyota Corolla iyo Camry, kuwaas oo dabka xidha daaqaduhu xoog wayn yahay sababna u noqon karo in gawaadhidaasi gubato.
Dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ayaa shirkada Toyota ay soo food saareen cilado tira badan oo gaadiidkooda ka soo baxay, kuwaas oo sumcad daro ku keenay gaadiidka shirkadaasi farsamayso oo dunida aad looga jecel yahay meelo badan oo ka mid ahna si wayn looga isticmaalo.
Afhayeen u hadlay shirkada Toyota ayaa sheegay in gaadiidkaas tirada badan ee dib looga celiyay suuqyada ay ka mid yihiin 2.47-Milyan oo dib looga celiyay suuqyada gaadiidka Toyota ee dalka Maraykanka sanadkii 2008-dii, kuwaas oo cilado tira badan laga helay nidaamkooda joojiyaha Brecks.
Waxa kale oo gaadiidkan suuqyada dunida laga celinayo ee farsamo xumadu soo food saartay ka mid ah, 2.8 Milyan gaadhi oo laga celinayo suuqyada Qaarada Yurub iyo dalka Shiinaha, halka tirada kale ee soo hadhay yihiin dalalka Kanada, Jaban, Australia iyo Bariga dhexe.
Ciladahan ku soo baxay gaadiidka ay farsamayso shirkada Toyota ayaa sababay in meelo badan la joojiyo iibsiga gaadiidkaa ilaa shirkadu wax ka soo badalayso, sidoo kale waxa jira meelo badan oo mag dhow in lagu soo rogo ka dalbaday hayadaha dhawrista tayada ee dalalkooda waxaana waddamadaa ka mid ah dalka Maraykanka oo koongarayska dalkaasi dalbaday in mag dhow dhan todoba milyan oo dollar lagu dalaco shirkada Toyota.
Toyota ayaa ka mid ah shirkadaha gaadiidkooda aadka looga iibsado dunida, waxaanay sanado ka hor maraysay shirkadaasi in lagu qiyaaso ta ugu horaysa dunida ee gaadiidkeeda loogu jecel yahay, laakiin sanadkii 2008-dii ayay soo baxeen warar la xidhiidha cilado ku soo baxay gaadiidka shirkadaas gaar ahaan kuwo saamayn ku leh dhinaca ammaanka rakaabka.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com