Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo Dardaaran U Jeediyay Murashixiinta Deegaanka Caasimada Hargeysa.


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2012
Hargeysa (HWN)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Hargeysa, ayaa dardaaran

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Hargeysa

Hargeysa (HWN)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Hargeysa, ayaa dardaaran u soo jeediyay murashaxiinta u tartamaysa Golaha deegaan ka Hargeysa.

Suldaan Xuseen Xaaji  Cabdi Cabdilaahi oo maanta u waramayay saxaafadu waxa uu sheegay inay Golaha deegaanka Hargeysa ee ka soo bixi doona doorashada goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28-ka Bisha November ee sanadkan

sii galbanaya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi ?Marka hore waxaan soo dhawaynayaa in dimuqraadiyada dalka ee madaxweyne Siilaanyo fur-furay uu balaadhiyay hanaankii xisbiyada badan.

Waxaan jecelahay inaan tallooyin iyo guubaabo u soo jeediyo Murashaxiinta u taagan doorashada deegaanka magaalada Hargeysa, waxaan leeyahay waxaad tihiin 175 Murashax oo ka kala socda laba xisbi iyo shan urur siyaasadeed, waxa Golaha deegaanka Hargeysa ku soo bixi doona 25 Xildhibaan oo qudha, sidaasi darteed, waxaan u soo jeedinayaa inta guuldaraysataa inay hanayso, inta nasiibku siiyo ee soo baxdaana ay u guntado hawsha culus ee loo doortay oo ay waxqabad iyo horumarka caasimada xooga saaraan.?

  Suldaanku Xuseen oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray ?Waxaan kale oo aan doonayaa inaan halkan ka bogaadiyo duqa caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo muddo toban sanadood xilka hayay. Waxaan la xaqiri Karin inuu horumar balaadhan ka sameeyay dhinacyada wadooyinka iyo maamul daadejinta degmooyinka. Waxa Maayarka taariikhda u galaysa illaa 50 waddo oo cusub oo uu ka hirgeliyay xaafadaha Hargeysa. Waxa jira xaafado aan wado ahba lahayn oo uu u sameeyay jidad cusub markii ay isku tashadeen dadweynaha iyo dawlada Hoose.?

 ?Waxaan qabaa in Maayarka Hargeysa uu ku dayasho mudan yahay isla markaana looga baahan yahay Golaha Cusub ee deegaanka inay kaga sii daydaan maamul daadejinta, cashuur ururinta, wax ka qabasashada bilicda faras-magaalaha iyo hirgelinta jidadka. Golaha cusub waxa laga rajaynayaa inay horumarka diirada saaraan oo aanay bilowga hawshooda ku mashquulin kooxaysi iyo hirdan dhexdooda ah,?ayuu yidhi Suldaan Xuseen.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.