Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xukumada Somaliland oo shaacisay qorshe hal Dollar oo khasab ah Qurbejooga xawaalada dira lagaga qaadayo marka ay lacag wadankii u diraan.


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2012
London-(HWN)-Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo dhawaan stuudyowga magaalada London ee TV Qaranka Somaliland wareysi lagula yeeshay barnaamijka Madasha Qurbejooga

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

London-(HWN)-Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo dhawaan stuudyowga magaalada London ee TV Qaranka Somaliland  wareysi lagula yeeshay barnaamijka Madasha Qurbejooga ee uu soo saaro wariye C/laahi Maxamed Cali ayaa wareysigaas ku ku shaaciyey in xukumadu soo wado qorshe ay ku doonayso in lagacgaha xawaalada ee ay qurbejooga Somaliland ee gunooyinka la biishado iyo lacagaha kale ee dalka ay u soo diraan la saari doono hal Dollar oo ah lacag ay si khasab ama kama dhaafaan  ah ay u bxindoonaan.

= "urn:schemas-microsoft-com:office:office" />

Wareysigan uu ku shaaciyey lacagta qurbejooga laga qaadayo marka ay lacagaha soo diryaan ayuu wasiir Sacad Cali Shire ku sheegay mid dalka lagu horu marinayo. Mar la weydiiyey cida lacagta maamulaysa  iyo in ay galayso wasaarada maaliyada dakhligeeda, ayuu wasiirku ku jawaabay ?Mayee gudi ayaa loo saarayaa.....gudidaas oo macal qurbejoogu ku jiro...?.

Lacagtan ayaan waxa u qabanaya xukumada shirkadaha xawaalada ee kala duwan ee dalka Somaliland ka shaqeeya, sida uu wasiirku ku sheegay wareysiga uu bixiyey. Qorshahan ayuu  wasiirku ku tilmaamay mid fikir ahaan ka yimid qurbejooga, isla markaana xukumad ahaan ay qorshihiisa ka hawlgaleen, sameeyeena shuruucada iyaga iyo shirkadaha xawaaladaha ee lacagta u qabanayaa  kuwada shayqaynayaan. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu la ogyahay, golaha wasiiradana la horkeenayo. Mar la weydiiyey cin dadka Somalilander ka oo qudha laga qaadayo iyo innkale, waxa uu wasiirku sheegay in cidkasta oo Somaliland lacag loogu soo dirayo ay khasab noqonayso in ay iska bixiso Dollar ka dheeraadka ah. Tusaale ahaa haddii qof Somaliland u dirijiray boqol Dollar, oo aad bixin jirtay shan Dollar oo xawalada ah, waxa aad bixinaysa lix Dollar oo uu ku jiro halka Dollar ee xukumadu sheegtay in dalka loo gurayo.

Wasiirka oo la weydiiyey in arintani u muuqan karto culays dhaqaale oo qurbejooga la saarayo, waxa uu sheegay in ay dadka qurbaha jooga ee reer Somaliland soo dhaweynayaan qorshahan, isla markaana aan laga maarsan karin in lacagtaa dalka looga gooyo qurbe jooga malaayiinta Dollar bishii u soo dira dalka.

Qorshahan ayaa ah mid sida wasiirku sheegay laga soo dheegay dalka Eretariya, hase ahaatee dalka Itoobiya oo uu sheegay in lacag iyadu ka qaado shirkadaha xawaaladaha ay ka jeclaysteen in ay qaataan ta Eretariya.

Wasiirka oo la weydiiyey waxa ay marka hore cashuur ku haboon uga qaadi laayihiin shirkadaha xawaaladaha ee iyagu ka dhexganacsada dirista lacagaha ay qurbejoogtu wadanka u diraan, halka ay iyaga culays lacageed saarayaan, ayaa ku jawaabay ?.....shirkadaha xawaaladuhu wey bixiyaan lacago maashumacaash ah oo cashuur ah....laakiin wey jirtaa in shirkadaha cashuurtii ku haboonayd qaarkood laga qaadin....?

Wasiirka ayaa sidoo kale horaantii todobaadkii bishan Oktobar kula kulmay magaalada London, siiba xarunta jiaaliyada Somaliland ku lee dahay galabeedka London ee xaafada Hayes ? Somaliland West London Community Centre jaaliyada, isagoo  kala hadlay arimo ay ka mid yihiin qorshahan ay xukuamada xusbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Siiraanyo ay rabto in bishii malaayiin Dollar si wada tashi la?aan buuxda ah kaga qaado qurbejoooga lacagtaas oo laga yaabo in ay ku badato dadka la xarbiyaya in ay biil u soo diraan ehelkooda. Lacagtan uu wasiirku sheegay in qurbejooga laga qaadayo ayaa iyana aanay muuqan in golaha wakiilada la soo marinayo sharciga uu sheegay in loo diyaariyey ee xukumada iyo shirkadaha xawaaladaha ka wada dhaxaynaya ururinta iyo maamulida lacagtaa iyo gudida uu sheegay in ay maamulayso. Waana lacag haddii si xalaal ah loo maamulo wadanka wax u tari karta, hase ahaatee haddii gacmo hoose xantoobsadaan khasaare ku noqon kara dalka iyo qurbejooga kabaha faro birlaha u xidhan si ay u helaan lacagtaas dadka iyo dalka magacooda looga qaadayo.

 

Hadhwanaagnews

Euro-office

Euro-editor@hadhwanaagnews.com

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.