Waxa Dhakhtarka Yaala Sawiro laga Qaadey Calooshiisa iyo Beerka intaba.Hada Ma noola,Wuxuuna u Dhintey Xanuuno si daran uga Haleelay Caloosha iyo Beerka .Keliya sawiradaasi laga qaadey Ayaa Dhakhtarka iyo Gurigoodiiba Yaala.Waxa sawiradani loo hayaa in la tuso Dadka Qaba Xanuuno la mid ah kuwani,Isaga Ayaa ku sii dardaarmey in Sawiradaasi loo bandhigo Dadyowga u dhawaada wixii isaga diley.Wuxuu Qorey warqad ay ku taalo "Waxaan ahey Qof Aduunyada ka tagey isaga oo aan waxba ka kasbanin,Inkasta oo aynaan dib isku Arki doonin,Hadana Xasuusta Wixii aan u dhintey iyo Sawirada laga qaaday Caloolku Jirteyda aayaa in badan
idinku hadhi doonta".Ku soo Dhawoow Mid ka mid ah Wejiyada Ay daroogada iyo Balwadaha xuni Dadka qabatima Dhaxalsiiyaan.Waa Sheeko Wiil Beryo ahaa Ninka ugu quruxda badan,Ninka ugu qaabka wanaagsan,Ninka ugu Dherarka iyo Muuqa fiican,Ninka ugu Shaqada haboon haddase..........
Warsame Waa wiil Dhalinyaro ah oo ku Jirey qaar ka mid ah Sannadihii Noloshiisa ugu fiicnaa Markaad Dhinac ka eegto,Waa wiil dad badan ula eekaa Mid mustaqbal fiicani ka soo socdo,Wuxuu ahaa wiil la odhan karo wuxuu ka mid ahaa Barbaartii wakhtigaasi fursada u helay kaabayaasha nololeed oo dhan.Waxa kala war la, Ayaamaha maqani waxa ay qofka ugu talo galeen iyo Isaga waxa laga Filan karo ee laga sugaayo.Warsamana Maaha wiilkii ugu Horeeyey ee Lumiya Rajadii la duldhigey Ama kaalintii looga fadhiyey,Wuxuu la qabaa khasaaraha iyo in Noloshaba laga Dhaco Boqolaal asxaabtiisa ah oo iyagu Fikirkooda gaarka ah ku Macneystey hab nololeed dadka kale ula muuqata Mid liita.
Wuxuu bartay Cunida iyo isticmaalida Jaadka oo uu xiiso badan u qaadey,in badana Qarsan Jirey.cid aanu la qayilin iyo meel aanu magaalada ka soo fadhiisani wey yar tahay.si daran oo baas ayuu u cunaa una cantuugaa caleenta jaadka oo wehelkiisa kowaad ah.Maalmihii Hore Waxooga uu shaqeysan Jirey iyo Lacago xaafada uu ka qaado Ayuu ka iibsan Jirey Maalin kasta wixii u cunaayo,haddase shaxaad iyo weji cunis ayuu meelkasta ku dhameeyey.
Maaha Asxaabtiisu kuwa dadka Dila ama Habeenkii falalka Xun dadka wadooyinka ama suuqyada ugu Geysta.Saaxiibadiisu waa kuwo inta badan Fadhiya,Kuwa qololka ku camirta Sheekada,Shaaha iyo Qayilaada aan kala go,a laheyn.Habeen iyo Maalin waxa lagu feegan yahay cunida Jaadkaasi.Asxaabtaasi waxa ku Jira kuwa daneystayaal ah,Waxa ku Jira kuwa lacagtoodii lagu dhex cuno Maqsinka la fadhiisto,Waxa ku Jira kuwa lacagaha dadka kale uun Jaadka looga qaado,Kuwo Mushaharka rag kale ku xisaabtama.Waa asxaab Balwadaha is wada bartey oo iska Weheshaneysa Nolosha saxda ah kuna Heshiis ah Khiyaali iyo Amaanida Mijinta maalintaa la soo Helo.Warsame Waxa ay ka dileen dareenkii nolosha haboon,Waxa ay ka fogeeyeen waxbarasho,Waxa ay ku direen Qoyskoodii,Waxa ay la cuneen Lacagtiisii,Waxa ay ka qeyb qaateen in xitaa Shaqadii looga eryo sagsaag uu ka dhaxley Fadhiga badan ee Jaadka.
Warsame Tijaabinta nooc kasta oo jaadka ka mid ah iyo Sigaarada kala duwan Ayaa ku keenay Xanuuno Joogto ah oo ka qabta Caloosha iyo Beerka.Maalmo inta badan Caloosha Ayaa laga qabtaa,Adeyg iyo Xanuuno jaadkan badan kaga dhashey Caloosha,oo aad Moodo in sun Beerkiisa taabaneysaa Ay ku jirto ku soo Kacaya.waxooga isku buuqa iyo hadalkiisa oo aan miisan ku socon Ayaa u dheer.Ayaamo badan Markii uu qarsaday ama Xanuunkani Jidhkiisa tamartii,Xoogii,Quruxdii,Miisaankii,iyo Caafimaadkii ka qaaday Ayuu isku Dayey in uu Cusbitaalka u tago.
Dhakhtarka Cudurada Guud Ayuu lambar ka goystey oo uu la kulmey,Dhakhtarkii Ayaa wareystey,Maxaad ka cabaneysaa,Warsame Ayaa isaguna uga xaal waramey halka uu ka cabaanayo iyo sida loo qabto,Dhakhtarkii Ayaa warsame su,aaley miyaad tahay dadka Balwadaha leh,Ma cuntaa Jaadka,Ma cabtaa Sigaarka,Warsame Haa,Waxaan Filayaa in aad Gastric qabto oo Gaajo badan aad isku Dishey.Miyaad cabtaa,Daroogada kale sida Khamriga miyaad u dhawaatey.Ha lagu sawiro,Dhiigana ha lagaa qaado,Jawaabta ka dib Ayaan Dawadana ku Qori doonaa.
Warsame Waxa uu Marey Shaybaadh sawiro iyo Dhiig iskugu Jira,waxaana laga Helay Gastric daran iyo Xanuun Dhinaca beerka ah.Dhakhtarkii warsame Markii Jawaabtii la hordhigey,Wuxuu ku yidhi waxa suurta gal ah in aanan mardanbe Xanuunkaaga waxba ka qaban karin,Fadlan iska Jooji balwadahan,Nasasho iyo Cunto fiican qaado,Hurdo dhameystiran Seexo,Dawadaasina qaado.Ogow warsame Dawadani iyo Jaadkaagu isma gelayaan,Beerkana waxaan filayaa Sunta Jaadka lagu soo daro ayaa kaa heysa.Maskaxda lafteedana in la ilaaliyo Ayey kaa sugeysaa.
Warsame Yaa Maqsinkii u fadhiisan,Yaa saaxiibadii u raaci,Yaa sheekadii la xoojin,Yaa dawadani u cuni,Yaa Jaadkii ka deyn kara,Yaa sigaar u diidi kara.Dhakhtarku ha iska hadlo.Todobaadkii Dawadu u socotey Ayaa ku dhib aheyd,Wuxuuna muddo yar ka dib halkii ka sii ambaqaadey Cunidii iyo Isticmaalkii Balwadaha Naftiisa dishoodey.Maalintii ugu Darneyd Taariikh nololeedkiisa Dhinac balwaduhu waa Markii uu bartey ee ay u gudbeen xaga Tijaabinta iyo Cabida Khamriga.Khamri awood badan leh,Khamri si Khaldan loo sameeyey,Khamri la soo qariyo,Khamri xidhxidh ah,Khamri Maandooriye ah,Khamri aan Jaadka ogoleyn,Khamri caagad u dhiibey Ayaa Warsame Afkiisii,Beerkii iyo Calooshii xanuunadii ku sii badiyey.
Warsame mar labaad Ayaa xanuunkii ku soo kacey,Markan ma dhakhtarkii Ayuu ku noqon karaa,Muxuu odhan doonaa,Ma dhakhtarka Ayaa la dhigi doonaa,Ma in Dhimasho uu qarka u saaran yahay Ayaa loo sheegi doonaa,Miyaa la xidhxidhi oo Cilaaj ayaa la geyn doonaa,Ma daawo ayaa wax ka tari karta.Murugada maanta Heysa Yarkii warsame iyo Qoyskoodii lama maleeyaan ayey noqotey.Dhakhtarkuna hore Ayuu ugu sheegay in haddii mar danbe uu Balwadahaasi sii wado la gaadhi doono wakhti aan waxba laga qaban karin Cudurkiisan.Warsame wuxuu Jiifaa mid ka mid ah sariiraha waadhkha cusbitaalka,Ayaamo ka hor intii aanu u dhiman cuduradani Ayuu ku sii hadley Dardaaranka Qoraalka ugu Horeeya.
Asxaabtii ku soo tuurtey,kuwii barey,kuwii u qaadey,kuwii u amaaney,kuwa kaga baxey,kuwa aan maanta waxba u qaban karin,Kuwa u gacan geliyey Balwadaha intaba Warsame uurka Ayuu ka necebaadey,wuxuu Dhibsadey in uu arko wadan da,yartii u soo kaceysey iyo kuwii Talada hayeyba Jaad ku wada feegan yihiin.Wuxuu arkey Ubax badan oo baalmarey Jidkii saxda ahaa,kuna saaxiiibey Jaad dagaal iyo shaxaad lagu soo helay.Hadduu iska Joojin lahaa,Hadduu talada qaadan lahaa.........................