Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Geeraarkii ?Qaa,id yaw noqon doona?? by Cabdiraxiin Hilowle Galayr


(Hadhwanaagnews) Monday, October 15, 2012
Geeraarkan waxaan la yidhaahdaa: ? Qaa?id yaw noqon doona?? adduunka dadku waa mucaarad iyo muxaafid, labadubana

Geeraarkan waxaan la yidhaahdaa: ? Qaa?id yaw noqon doona?? adduunka dadku waa mucaarad iyo muxaafid, labadubana ma xuma oo qofku inuu wax diido waxna yeelo waa wax wanaagsan, haddaba bulshadeena  yaa ka duwan qaabka ay wax u diidaan aanu ku salaysnayn, Mabda?a iyo go?aan ee uu ku saleysan yahay siyaabo kale, sidaa awgeed ayaan  Su?aalo dhawra halkan ku soo bandhigey bal in layga jawaabo cidda ay rabaan ama doonayaan dadkaygu inuu hoggaan ama horjooge u noqdo, Bogasho wacan  waana kan Geeraarkii:

 


0cm 0cm 0pt" class=MsoNoSpacing align=justify>Waa adduun qulqulaayoo

Qiyaamihii u dhawaadoo

Qiimigiisi dhammaadayoo

Qorraxdii dhex timaadba

Qisuun bay ka tagtaaye

Dadkuna waa qorayaayo

Qaaddi weeye dhex jooga

 

Qasadkaan ula jeedo

Geeraarkaygan ?Qabooje?

Qac bal aan kaga siiyee

Qoomkaygoow i dhegaysta.

 

Umaddeenna qawaamkiyo

Qorshahaa ka xumaadoo

Qof kastoo u yimaadaba

Waa la qaadacayaayoo

Ma qancaan weligoode

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Mid qaboow uma roona

Qalad bay ka fahmaanoo

Qun yar buu u socdaa iyo

Qabiid maaha ninkaani

yay ku qeylinayaanoo

Qoomkaygii ma rabaane

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Mid qasaaya ma roona

Qaxar aan ka damayniyo

Mid qasaare ku beeroo

Qixinaya naftoodana

Qoomkaykan ma rabaane

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Mid qadhaadh uma roona

Oo qabyaalad ka buuxdoo

Qabiiligaan u naxayninoo

Qudhunkuun ka shaqeeya

Qoomkaygii ma rabaane

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Qabqabluhu uma roona

Duullaan aan qasdi layniyo

Ku qaadayey naftooda

Qaati bay ka noqdeenoo

Qoomkaygii ma rabaane

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Qarash doon uma roona

Qandi weyn ku shubaaya

Qarankooda dhacaayoo

Qasnad weyn u samaystay

Qoomaykgii ma rabaanoo

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Wadaad qiile ma roona

Oo  qalaaya naftooda

Qarxinaaya dhashooda

Qaatil aan u naxaynoo

Qoomkaygii ma rabaane

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Qasdi ruuxa leh fiicanoo

Qaran doon uma roona

Mid qasaare ku naaxoo

Qardafaa uma roona

Qareen doodda yaqaanno

Qorsheeyaa uma roona

Qandaraasle ordaayoo

Qarribaa uma roonee

Qoowkaygii ma rabaane

Qaa?id yaw noqon doona?

 

Bal qiyaasa su?aashoo

Qof walboowba ka fiirso

Jawaab qaasa ka keeno

Qodobbee arrinkaanoo

Qanuunkeena ka eegoo

Ha ka qoofin ujeedkee

Ku qaabee maskaxdaado

Abwaanoow ka qiseeya.

 

Dhammaad.

 

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.