Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


dumarka somalida iyo qurbaha by cabdi aadan


(Hadhwanaagnews) Monday, October 15, 2012
asalamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh salaan kadib

asalamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh  salaan kadib


umad walba waxey ku faantaa oo ay ku dhagtaa dhaqankeeda iyo diinteeda

gaar ahaan umadaha islaamku waxey ku faanaan diintooda suuban ee islaamka iyo dhaqankooda wanaagsan

inagu hadeynu nahey somalia waxey nu nahey dad islaam ah %100  dhinaca kale waxeynu leeney dhaqan fiican oo soo jireen ahaa

hadaba tan iyo intii ka dambeysey markii ay somalidu soo gashey wadamada qurbaha waxaa somali badan ku dhacey is badal dhinacyo badan leh  hadaba  dadka is badaley oo ku milmey dhaqamada wadamadan la joogo waxaa ka mid ah oo uugu badan  dumarka isla markaana

dumarka waxaa kusii xidhan caruurtii oo kolba sida ay hooyadu tahey uun bey caruurtuna noqotaa

is badalka ku dhacey dumarka somalida ee qurbaha   aad buu u badanyahey  laakiin maanta waxaan idiin soo qabanayaa 1 arin oo kaliya



maalin aan fogeyn anoo maraya meel suuq ah oo u ku yaala maagalada  

stockholm    ee dalka swden  ayaa waxaan arkey 2 dumar oo somalia ah

oo wada socda waxaa ka hor timi gabadh kale oo somalia ah  gabadhii  2 dumar ahaa ee wada socdey waxey ku salaantey salaanta islaamka 
waxaaney ku tidhi asalamu caleykum  laakiin maxey uugu jawaabeen?


waxey uugu jawaabeen  tani ma afrika ayey ka timi?   miyey cusubtey ?

intaan is taagey baan anigu su aal weydiiyey dumarkii waxaanan ku idhi oo maxaa dhib ah ee jira gabadhu wey idin salaantey miyeydaan islaam aheyn ? salaanta markii la idin salaamo inaad celisaan oo wacaleykumsalam uun tidhaaahdaan miyaaaney aheyn ? gabadhu ma qalad bey sameysey ? ana maxey iigu jawaabeen ?

waxey iigu jawaabeen  gabadhu wey cusubtey wali wadanka lamey qabsan salaan iyo arimahaas meeshan lagama yaqaano  yaab iiiii


hadaba inagu hadeynu islaam nahey salaantu wa sunihii nabigeena SCW

mida kale qofka islaamka ah ee la salaamo waxaa waajib ku ah inuu salaanta celiyo oo salaanta uu ka qaado qofkii salaamey

hadaba mar hadii salaantii islaamka ay diidayaan dumarkii somalidu iney qaadaan ama cidii salaanta ay la yaabayaan talow wixii kale ee diin iyo dhaqan maxey ka yeeli doonaan ???



NB anigu dumarka oo dhan uuma jeedo oo qurbaha waxaa laga helayaa dumar badan oo diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan ilaashada 





by :  cabdi aadan    swden 

cabdi1515@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.