style="MARGIN: 0cm 0cm 10pt" class=MsoNormal>
haraad inaad dareentiyo kulayl hinif ah mooyaane
halakaadkan maad mudan intaad hira ku noolayde
hadii aad halkii joogi layd hooyo talinaysey
ama aad hangoolkii ka baqi hanad walaalkaa ah
oo aanad hayhaato iman maad hawiranteenoo
hilin uumiyuhu ay maraan hugga ma siibteenoo
hadh cad kuma godleen wiil yaroon heetis kaa bixinoo
hilbahaaga uma qaawiseen gaal hariiryo leh oo
horaadada ma tuujeen midaan geyin hibaaqaas oo
habaar qabe kolaba meel cidla ah kuguma haysteene.
haydaaro way dhici jirtaye waxa habaar weyn ah
oon hore u soo marin arliga haybna lagu sheegin
duul aharaga sare kuu egoo hoosta ka cadaan ah
oo aanu hadalkaagu solin baa hadeer kacayoo
hidahaan lahayn iyo xishood gabay halkiisiiye
inanyahay halowga aad tahee halis u daaqayso
hawadaa ku lumisiyo ku dayo hebel afcaashiisa
hindisaha asqoobiyo talada noqotey heehaabka
waxa maanta kuu heer aheed hadiyad moodayso
beritood is haaraanto iyo hiifid baa xigiyoo
waa lagu hungoobaa jidkaad haatan maraysaane.
hasaasahaan arkaayiyo sidaad heec u tahay liita
ee laguu hantiyey qaran jaboo hoogey baa dhalaye
wallee ama halowdoo dhamaan haadku idin eegey
ama hooygii loo noqoy dhib waa laga hayaamaaye??
salmaan hassan