Mr Aar waxa uu sheegay inay ku adkayd markii ay 3 sano ka hor bilaabayeen waxbarashada Jaamacaddaasi balse ay ilaahay mahadiis kaga soo gudbeen si dhibyar,dhanka kalana waxa uu sheegay inay ardayda maanta waxbarashada kaga nasiib roonyihiin xiliyadii hore ?maanta ardaydu way ka fursado badan yihiin kwuii hoore waayo waxaa maanta suurto gal ah inay ardaydu qwalinjabiyaan iyaga oo shaqadoodii wata? ayuu yidhi Mr Aar.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inay guusha ay gaadheen isaga iyo ardaydii way isku galaska ahaayeen inay si balaadhan ugu mahad naqayaan maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda oo kala soo dabaashay carqaladihii dhanka waxbarashada.
Mr Aar waxa uu sheegay ka shirkad ahaan inay shaqaalaysiiyeen laba arday oo kamida ardaydii ay isku class-ka ahaayeen inay kuwo kale shaqaalaysiinaana ay mustaqbalka ku rajo weyn yihiin ?annaga oo aan ahayn shirkad sidaa u weyn waxaanu shaqaalaysiinay laba arday oo kamida kuwii aanu isku class-ka ahayn inaanu kuwo kale shaqaalaysiinana waan rajaynayaa? ayuu yidhi Mr Cabdi Yuusuf Aar oo ku hadlayey magaca shirkadda Sagaljet isla markaana kamid ahaa ardayda shahaadada ka soo qaadatay Jaamacadda Alpha.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Aadan Jaamac Cabdillaahi oo ah maareeyahay xafiiska Hargeysa ee shirkadda Shaafici Medical ee soo dajinta Daawooyinka waxaanu sheegay inay ka shirkad ahaan sharafweyn u tahay inay wax ka maamulaan munaasibadda xafladdaasi ee lagu sagootinayey ardaydaasi ?waxaa loo baahan yahay inaynu dadaalkeena sii wadano hadii aynu nahay aradydii shahaadooyinka dhawaan ka qaadatay Jaamacadda Alpha? ayuu yidhi Mr Aadan Jaamac.
Dhanka kalana Mr Aadan waxa uu sheegay inay ka shirkad ahaan shaqaalaysiiyeen hal arday oo kamid ahaa kuwii ay isku class-ka ahaayeen ?annagu waxbadan maanaan shaqaalaysiinin balse waxaanu ka qaadaynay hal arday oo kaliya kuwii aanu isku class-ka ahayn? ayuu yidhi Mr Adan Jaamac.
Sidoo kale waxa uu xusay inay fulaynimo tahay inay shirkadaha ganacasigu kala bakhaylaan inay shaqaalaysiiyaan ardayda waxsoo baratay ?waxaan u arkaa inay fulaynimo tahay inaysan shirkadaha ganasigu sifiican ugu dhiiranin inay shaqaalaysiiyaan ardayda wax ka soo baratay Jaamaacadaha dalka" ayuu yidhi maareeyaha shirkadda Shaafici Pharmestitutical ee soo dajinta daawooyinka kaladuwan ee jimladda ah Mr Jaamac Aadan.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Cabdiqani Cabdillaahi Maxamed oo ah ku xigeenka Dean-ka maamulka iyo maaraynta waxaanu ka warrmay qiimaha waxbarashada iyo kaalinta ay ku leedahay hormarka aadamaha waxaanu ku dhiiriyey ardaydu inay sii wataan waxbarashadooda.
Maxamed Faarax Xirsi oo ah Dean-ka kulliyadda sharciga ee Jaamacadaasi oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay nolosha aadamuhu ka balaadhan tahay in lagu soo koobo oo kaliya waxbarasho halsano oo kaliya ah balse ay tahay in laga sii balaadhiyo hadafka nolosha intaasi ?waa inaan hadaf intaa ka dheer lanimaadnaa waana inaad keentaan dadaal intaa ka sii badan? ayuu yidhi Mr Xirsi.
Dhanka kalana waxa uu ardayda xasuusiyey inaysan waxba dhaliilin xukuumaddu inay shaqooyin u samayso balse iyaga ka adray ahaan looga baahan yahay inay shaqooyin abuurtaan ?xukuumaddu waxay dhaxashay burbur iyo aqoonsi la?aan markaa waxaa idinka laydinka rabaa inaad la timaadaan sidii aad ula iman lahaydeen shaqo abuur? ayuu yidhi,
Maxamed Xuseen Cismaan [Mu?adinka] oo madashaasi ka hadlay waxa uu ku dhiiryey ardayda xafladdaasi loo qabtay inay heleen nasiib dheeri ah iyaga oo shaqadoodii kujira oo gudyahoodii jooga inay qaateen shahaado la aqoonsan yahay ?annagu markii aanu waxbarashada ku jiray ee aynu Somaliya ahayn maanay jirin fursadan aad maanta haysataan,waxaanu dhalinyarada jaamiciyiinta ah xasuusiyey inay Ganacasiyada caanka ah ku fikireen dhalinyaro iyaga oo kale ah ?shaqoyin aad hesheaan waxaa idiinka qiimo badan inaad idinku iskiin u abuurataan shaqooyinkii aad shaqo la?aanta kaga bixilahaydeen? ayuu yidhi Madaxweynaha Jaamacadda Alpha Maxamed Xuseen Mu?adinka.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Axmed Muxumed maykal oo ahaa ardaygii ugu sareeyey kuliyadda maamulka iyo maaraynta waxaanu ka warramay filashada ay maanka ku hayaan ka arday ahaan kadibmarkii ay jaamacadda ka bexeen ?caawa waxaanu is waydiinaynaa wixii noogu xigi lahaa shahaadadii aanu qaadanay kadib meeshii aanu u jahaysan lahayn? ayuu yidhi Mr Maykal.
Ardaygaasi waxa uu mahad naq balaadhanj u soo jeediyey maamulka oiyo macalimiintii wax soo baray iyo ardaydii ay isku Jaamacadda ahaayeen gaar ahaan kuwii sida fiican uga soo shaqeeyey abaabulkii xafladdaasi.
xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada waxaanu ka warramay taariikkhda waxarashada xiliyadii hore waxaanu sheegay inay maanta ka fiicantahay xiligaasi,waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Mudane Axmed Dirir oo ka tirsan Golaha Guurtida waxaanu ardayda ku dhiiriyey inaysii wataan waxbarashadooda waxaanu xasuusiyey inaysan ahayn inay u qaataan ardaydaasi.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Cabdi Yuusuf Ducaale [Boobe] waxaanu ka warramay arrimaha waxbarashada iyo munaasibadda xafladdaasi iyo ardayda loo qabtay xafladdaasi waxaanu mahad gaara u jeediyey Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa furutaankii Idaacadda cusub ee shalay uun Madaxweynuhu xadhigga ka furay.
?Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxaan ugu mahad celinayaa inay fureen Idaacaddii waynayd oo aan filayo inay ku timid qayladii dami wayday ee shacab weynaha Somaliland? ayuu yidhi Mr Boobe Yuususf Ducaale,Boobe waxa uu madaashi ka soo jeediyey qaar kamida Gabayadii Abwaan Cabdillaahi Sudlaan Timacade gaar ahaan kuwii uu ku dhiirinayey inay iska ilaaliyaan qabyaaladda.
?waxbaa laydin soo baray oo waddadiibaa cagta laydiin saaraye wax bilaaba oo idinku qorshe bilaaba? ayuu yidhi Mr Boobe Yuusuf Ducaale,waxaa isaguna madashaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil waxaanu ka warramay dareenkiisa farxadda ardadyaasi iskugu yimaadeen ee lagu sagootinayey aradyaasi.
Mr Xaamud waxa uu sheegay sanadkani inuu yahya kii ay ugu tirada badnaayeen ardayda ka soo badaya Jaamacadaha dalka,waxaanu sheegay inay in loo baahan yahay inay Jamaacadu iska ilaaliyaan inay qortaan arday aanay hubinin inay sitaan shahaadadii Schoollada sare hadii lagu helana jaamacadaasi laga qaadi doono liisanka aqoonsiga dalka ?Jaamacadaha waxaan u sheegayaa inay iska ilaaliyaan inay qortaan arday aan sidanin shahaadadii dugsida sare Jaamacadii lagu helana waxaanu ka qaadi doonaa liisanka aqoonsiga? ayuu yidhi Mr Xaamud.
Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah wasiika duulista iyo hawada oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay qiimo weyn tahay inay ardaydu dhamaystaan waxbarashadooda iyaga oo shaqooyinkoodii gudanayey ama Guryahoodiiba ku qaxweynayey ?waa wax ilaahay loogu mahad naqo inaad shahaadadii 1aad qaadateen oo aad maanta Jaamiciyiin tihiin balse cilimigu intaa kuma dhamaado waxaaanan idinku dhiirinayaa inaad halkaa ka sii wadataan waxbarashadiina? ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.
Dhanka kalana waxa uu ku booriyey ardaydaasi inay sii gudbiyaan waxbarashadooda isla markaana gaadhsiiyaan dadka kale ee aan fursadda ay iyagu heleen aan helin ?waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad sii gudbisaan oo aad dadka kale ee aan fursdda u helin sii gaadhsiisaan wixii aad soo barateen? ayuu yidhi Mr Xaashi.
?aduunku maanta waxa uu ku kala sareeyaa sida uu u kala aqoonta badan yahay taasaanu ku kala sareeyaa? ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka duulista iyo Garoomada Diyaaradaha ?waa dhan inau dhalinyaradu tahriibayso waa dhab inay shaqo la?aantu sii siyaadayso balse iyada oo ay duruufo adagi haystaan Madaxaweynaha iyo xukuummadda basle waanu dadaalaynaa? ayuu yidhi ina xaashi Cabdi.
?kulamadii aanu ku qiimaynaynay waxbaqadkii xukuumadda sanadihii la soo dhaafay waxaa kaw ka ahaa sidii aanu u balaadhin lahayn shaqo abuurista iyo wax soo gaarka dalka sidii loo balaadhin lahaa goobaha wax laga soo saari karo sida Kaluumaysiga iyo meelo kale? ayuu yidhi Ina Xaashi Cabdi.
?shirkadaha yaryar ee caawa halkan idinku maamuusaya ee Sagaljet iyo Shaafici Medical iyo inay shaqaalaysiiyeen qaar kamida ardaydii idinka midka ahaa waxay tusaale fiican u tahay hormarka dalkeena? ayuu yidhi Ina Xaashi Xaashi Cabdi.
?waan in canshuuraha iyo takaaliifta laga yareeyaa dadka dalkeena imanaya si ay ugu dhiiradaan wax soo saarka dala xukuumadana dan baa ugu jirta qofkasta oo la shaqaalaysiiyo idinkana dadnbaa idiinku jirta waayo faqrigaa lala dagaalamayaa? ayuu intaa ku daray ina Xaashi Cabdi.
Intaa kadibna waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Maamulka Jaamacadda iyo ardaydii Jaamacadaasi gaar ahaan kuwii sooqaban qaamiyey munaasibadda xafladdaasi lagu sagootinayey aradydii mudadii 3 sano ahayd soo dhamaystay waxbarashada 1aad ee Digree-ga ee kulliyadda maamulka iyo maaraynta ee Jaamacadda Alpha University Collage.