Berbera(HWN)::Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa caawa fiidkii si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera, kadib markii uu soo dhameystey safar shaqo oo todobaadadii ugu danbeeyey ku marayey qaar ka mida Waddamada Yurubta.
Waxa madaarka Magaalada Berbera ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Murrashaxa Madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee Xisbiga Cali Gurey,Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasin,iyo qaar ka mida Xildhibaanada Golaha deegaanka Xisbiga
UCID uga sharaxan oo ay ka mid yihiin Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi-Musbaar), Shide Xaaji Diiriye (Shide Yare),Cabdishakuur Maxamed Xasan, Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf,Ibraahim Xaaji Bootaan, Xasan Saleebaan Aadan(Fiyoore), iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo qolka nasashada ee Madaarka ugu waramayey qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay safarkii isaga kala dabqaaday Wadaanka Ingiriiska, Norway, Holland, Belgium iyo waxyaabaha uu kala soo kulmay safarkooda,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi "Inay Somaliland Iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo siman oo wixii dhaqaala Somaliland toos loo siiyo, in laga furto xafiisyada sida uu ingiriisku uga furanayo ee dhaanisku uga furanayo, waxaan ku boorinay dawladaha Filand, Holland iyo Norway inay iyaguna xafiisyo ka furtaan oo ay dhaqaalahana si toos ah u soo siiyaan dawlada (Somaliland), waxa kale oo aanu ka codsanay inay goob-joogayaal soo diraan doorashada Golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto, waxa kale oo aanu ka codsanay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay goob joogayaal waddamadii loo xil-saarey ay dardargeliyaan.Markii aanu tagnay Caasimada Belgium Brussels shirkii midowga Yurub waxaanu iyagana uga waranay halka ay wax marayaan, isla markaana waxa uu Xisbiga UCID ka codsaday in Capacity Building la siiyo, waxaanu isku soo xidhnay laama axsaabta kale ee aanu isku siyaasada nahay sida Xisbiga Shaqaalaha in la mideeyo Al-xamdulilaah Rabil Caalamiin weeyaan".
"Waxaan ku soo boorinay jaaliyadahana inay gacmaha is-qabsadaan oo ay nabadgelyada dalka ka shaqeeyaan oo ay iyaguna goob-joogayaal doorashada deegaanka ay soo diraan oo hareeraha laga galo doorashadaasi inaanay noqonin doorasho fidmo inoo keenta oo ay noqoto mid si nabadgelyo ah inoogu dhacda. Wixii mawduuc taagana inaan madaxweynaha si toos ah kala hadalno arrimo baddan ayaa la gala hadalay, laakin wax natiijo ah lagama hayo dawlada, waxaanu doonaynaa inaan weji to weji kala hadalno qodobada aan u arkayno inay khal-khal gelin karaan doorashada golayaasha deegaanka".Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Mar aanu weydiinay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe sida uu u arko waxqabadkii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sheegatey balanqaadkeedii markii ay ololaha ku jirtey inay 70% (Boqolkiiba todobaatan qabatey), waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi ?iyagu (Dawlada) way is qiimeeyeen qof iscaaya lama arag,laakin shacabka reer Somaliland ayey u taala inay qiimaheeda sameeyaan.?
Sidoo kale,. Faysal Cali Waraabe waxaanu weydiinay sida uu u arko qaabka ciidamada RRU-du saqda dhexe inta ay salaamo dhigtaan ay aqalada qoysasku hurdaan ugu daadanayaan ee argagaxa leh, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Horta wixii nabadgelyo ah marka aad Yurub tagtid surwaalka ayaa laga bixinayaa, Nigiska ayaa laga bixinayaa, Kabaha ayaa laga bixinayaa,mar haday nabadgelyo timaado waa la isugu soo dhacayaa (Guryaha)oo waa la is-baadhaya oo waa la is joojinayaa, markaa wixii nabadgelyadaada ilaalinaya wax dhibaato ah uma arko".
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com