Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Somaliland: Laba Xarumood Oo Lagu Caafimaadin Doono Xoolaha Oo Agaasimaha Xanaanada Xooluhu Ka Dhagax Dhigay Magaalooyinka Baligubadle Iyo Sallaxlay


(Hadhwanaagnews) Friday, October 19, 2012
Hargeysa(HWN):-Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne)ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu degmooyinka Bali-gubadle iyo Sallaxlay laba xarumood oo cusub uu ka dhagax dhigay,kuwaas oo ka koobnaan doonta laba Makhsin iyo labadoodii suuliyood oo dhinac walba cabirka dhulku uu yahay

Hargeysa(HWN):-Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne)  ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu degmooyinka Bali-gubadle iyo Sallaxlay laba xarumood oo cusub uu  ka dhagax dhigay, kuwaas oo  ka koobnaan doonta laba Makhsin iyo labadoodii suuliyood oo dhinac walba cabirka dhulku uu yahay  100-mitir.

Munaasibadlii loo sameeyey Magaalada Baligubadle Dhagax dhiga xarunta cusub ee lagu xanaaneyn doona laguna daryeelayo Xoolaha ayaa waxa ka soo qeybgalay maamulka

Gobolka iyo degmada Baligubadle ee xarunta Gobolka HAWD, Suldaan Cumar, odayaasha iyo dadweyne kale

 Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne) oo ka hadlayey munaasibadii dhagax dhiga xarumahaasi ayaa waxa uu yidhi ?Waxaan maanta tagnay Degmada Balligubadle oo aanu halkaas kula kulanay Badhasaabka Gobolka HAWD, Maayarkii Magaalada, iyo Suldaanka guud ee beelaha halkaasi dega Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax,waxaana nala socotey hay?ada Islamic Relief iyo Shirkadii dhisaysay xarumaha loogu talogalay Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Maroodijeex, halkaas oo ay na geeyeen dhul wanaagsan oo ay noo calaamadiyeen dhul dhinac walba 100-mitir u ah, halkaas oo aanu ka dhisayno laba qol iyo laba musqulood iyo dayr iyo meeshi xoolaha lagu talaalayey si wanaagsan ayey noo soo dhaweeyeen hawshaasina way noo qabsoontey, kadib markii aanu halkaasi ka qadaynay ayaan ka nimid?

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi ?Waxaanu u anbabaxnay degmada Sallaxlay oo aanu intaa in leeg  ka sameynay, oo Maayarka degmada Sallaxlay iyo guddidii deegaanka ayaa iyaguna meel wanagsan na geeyey oo aan dhagax dhignay, markaa labada degmo waanu soo dhameynay. Labadan Xarumood ee aan ka soo dhagax dhigay degmooyinka Baligubadle iyo Sallaxlay waa xarumo lagu talaalayo, laguna daryeelayo Xoolaha degmooyinkaas.?   

Dhagax dhiga labadan Xarumood ee degmooyinka Baligubadle iyo Sallaxlay ayaa ka danbeeyey qorshe ay Wasaarada Xanaanada xooluhu ku doonaysay inay shan xarumood oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex kalana ah Daarasalaam, Sabawanaag, Cadaadlay, Balligu-badle, iyo Sallaxlay ka sameyso xarumihii lagu caafimaadinayeyxoolaha, Waxaanu Wasiirku Xarun hore ka soo dhagax dhigay degmada Darasalaam, isku geyntooduna waxa weeyaan sadex degmo inta uu dhagax dhigay.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.