Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Muqdisho: Al Shabaab oo Xalay Goob Xaflad Aroos ah Ka Socotay Ku Weeraray Bombaanooyin Khasaaro Dhaliyay


(Hadhwanaagnews) Friday, October 19, 2012
Muqdisho-(HWN)- xaflad aroos ah oo xalay ka socotay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Warshada Caanaha

Muqdisho-(HWN)- Xaflad aroos ah oo xalay ka socotay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Warshada Caanaha ee degmada Hodan ayaa lagu weeraray bob gacmeed khasaaro kala duwan dhalisay.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa xaflada arooska ayaa warbaahinta u sheegay in xaflada arooska ay aheyd mid si aad loo buuxa dadkuna ay baadhi ama music ciyaarayeen balse mar qura laga war helay bom gacmeed gudaha arooska lagu soo tuuray taasi oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac kala duwan.

Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku geeriyotay

inkastoo wararka ay sheegayaan in ay dadka dhintay gaarayaan ilaa iyo 5 ruux waxaana sidoo kale dhaawacyo ka soo gaaray ilaa iyo sakaal ruux oo kale.

Qaraxaan xalay lagu weeraary goobta xaflada arooska gudaha  Muqdisho ayay dadka ku eedeynayaan kooxda Al Shabaab hayee shee aysan jirin sheegasho dadkii qaraxaasi ka dambeeyay waxaana goobtii aroos ay noqotay meel lagu kala cararay.

Durba markii uu qarax dhacay waxaa goobta soo gaaray gawaarida Ambulasta oo Muqdisho si xowli ah ugu shaqeysa waxaana halkaasi laga qaaday dadkii dhaawacyada ka soo gaaray bom gacmeed gacmeed xalay lagu weerray  xaflada arooska.

Hadaba wixii war ah ee ka soo kordhaa dhibaatadii xalay ka dhacday goobta xaflada arooska waxaad kala socon doontaan Shabakada caalamiag ah ee hadhwanaagnews.com

Xasankuuriya

Hadhwanaagnews/office Muqdisho

xasankuuriya@yahoo.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.