Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dagaalo Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Ka Dhacay Dalka Lubnaan Iyo Daruuro Colaadeed Oo Hadheeyay Waddankaas


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 20, 2012
Bayruut, (HWN/Agencies):- Hal qof ayaa ku dhintay inta la hubo tiro kale oo dad ahina way ku dhaawacmeen Rabshado gacan ka hadal ku laman

Bayruut, (HWN/Agencies):- Hal qof ayaa ku dhintay inta la hubo tiro kale oo dad ahina way ku dhaawacmeen Rabshado gacan ka hadal ku laman yihiin oo ka bilaabmay magaalada waqooyiga dalka Lubnaan ku taala ee Tripoli-da bari, halkaas oo ay isku dhaceen kooxo cadhaysan oo u badan muslimiinta Suniga ah ee dalkaas iyo dhinacyo kale oo ka soo jeeda xibullah iyo kiristaanka dalka Lubnaan, waxaana halkaas ka dhacay khasaare u badan dhaawac soo gaadhay tiro dad ah.

Sida qaar ka mid ah wakaaladaha wararka dunidu ku

warameen rabshadahan ayaa bilaabmay wax yar ka dib markii qarax wayn lala beegsaday xaafadaha Muslimiinta Suniga ahi degaan ee dalka Lubnaan halkaas oo dad badani ku dhinteen tiro kalana ku dhaawacantay, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa masuul sare oo ka tirsan sir-doonka dalka Lubnaan oo ka soo jeeda qoomiyada Suniga ee dalkaas.

Rabshadahan ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Lunaan ayaa la sheegay in ugu yaraan hal qof ku geeriyooday tiro kale oo dad ahina ku dhaawacmeen, xaalada magaaladuna isku rogtay goob dagaal, ka hor intaanay ciidamada ammaanku soo kala dhex galin ee aanay ku guulaysan in xaalada sidii hore lagu soo celiyo.

Meelo badan oo ka tirsan dalkaas ayaa lagu soo rogay bandoo waxaana inta badan waddooyinka waawayn ka joogsaday gaadiidka noocyadiisa kala duwan, halka tirada yar ee socotana meelo kantaroolo ah oo ciidamadu dhigteen lagu baadhayo, waxa kale oo aad loo adkeeyay guud ahaan ammaanka dalkaas.

Xoogaga siyaasada ee dalkaas ayaa isku dayaya in ay xaalada qaboojiyaan, waxaana soo baxaya baaqyo dhinacyada ku loolama talada dalkaas ka soo yeedhaya kuwaas oo ay ka mid yihiin, madaxweynaha dalkaas oo isagu shacbiga reer Lubnaan igu baaqay in ay is dejiyaan kana dhur sugaan ciidamada ammaanka oo si buuxda uga hawl gali doona dhibaatada taagan.

Dhinaca kale hogaamiyaha kooxda 14-ka Mars Sacad Xariiri iyo hogaamiyaha Duruusiyiinta Lubnaan Waled Jublad ayaa canbeereeyay weerarkan, waxaanay labadaa masuul eeda weerarkan dusha u saareen dalka Suuriya, iyaga oo sheegay in maamulka leeg leeganaya ee dalka Suuriya uu doonayo inuu dhibaatada ka socota waddankiisa u soo raro dalka Lubnaan fidmana ka dhex abuuro shacabka dalkaas.

Samiir Jac Jac, Xisbulaha iyo dhinacyada kala duwan ee dalkaas ayaa iyaguna canbaareeyay dilkan iyo qaraxan waxaanay shacbiga dalkaas ugu baaqeen inay is dejiyaan, xaalada midnimo lagaga baxo si aan dalkaas dadkiisu isugu dhicin.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.