Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Nin Busaarad Awgeed Xaaskiisu Uga Duday Oo Ku Guulaystay Abaal Marin Gaadhaysa 30.5 Million Oo Dollar Ah Sheeko Xiise Leh


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 20, 2012
Massachusetts, (HWN/Agencies):- Sida ay ku warameen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka dunidu, nin u dhashay dalka Maraykanka

Massachusetts, (HWN/Agencies):- Sida ay ku warameen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka dunidu, nin u dhashay dalka Maraykanka oo iska sabool ah ayaa ku guulaystay Abaal Marinta ama jaa?isada [Lotto] loo yaqaano, kaas oo ku helay aduun dhan 30.5 Million oo dollar, kaas oo sida muuqata ka farxiyay ninkaa ku guulaystay kana fujiyay xaaladihii war warka lahaa ee hadheeyay.

Sida maasuuliyiinta maamusha abaal marinta Lotto gaar ahaan qaybtooda gobolka Massachusetts ku warameen, Sandeep Singh oo da?diisu tahay (22-jir), ayaa ku guulaystay abaal marintoodi la

shaaciyay maalintii salaasadii waxaanu xafiiska keenay cadaymihiisi oo dhamaystiran si uu u gudoomo aduunkaas lacageed ee ku guulaystay.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Singh oo jaamacada uga tagay sababo dhaqaale isla markaana duruufo badan iyo busaarado isugu biireen uu bilaabay, inuu iibsado guri cusub, isla markaana dib ugu noqdo jaamacadiisi si uu tacliintiisa u sii wato, waxa kale oo uu ninkani warbaahinta uga waramay arrimo dhaqaalo xumadu ku keentay iyo waxyaabihii busaaradu ka kala kicisay oo xaaskiisu kow ka ahayd.

Sandeep Singh ayaa sheegay in xaaskiisu uga tagtay busaad daraadeed iskana fasaqday, ka dib markii sida uu sheegay ay dhibsatay baahida iyo dhaqaalo yaraantiisa, laakiin waxa uu ninkani ku rejo wayn yahay in xaaladiisu wanaagsanaan doonto noloshiisuna is badali doonto sida ugu dhakhsaha badan.

Ninkan ayaa ku rejo wayn marka uu qaato lacagtaas inta uga xaasilka noqonaysa oo ah sadex iyo labaatan milyan,  in uu guri aad u wayn u iibsho qoyskiisa, dibna ugu noqdo jaamacadii, waxa uu xusay inuu ka yara nasan doono laba shaqo oo aad u ad-adag oo uu ka hawl gali jiray si uu noloshiisa ugu dabarto, waxa kale oo uu xusay in marka laga jaro todoba milyan oo cashuur ah ay u soo hadhayso lacag aad u badan oo noloshiisa is badal ku samayn doonta.

Ninkan ayaa si qiiro leh uga hadlay xaaladiisa nololeed oo ka hor intaanu abaal marintan ama jaa?isadan ku guulaysan, waxa uu sheegay inuu aad uga murugoodo, dudmadii xaaskiisu kaga tagtay iyo go?aankii ka danbeeyay ee ay iskeed u qaadatay oo ahaa in ay kala tagaan, waxa uu xusay inuu aad u jeclaan lahaa in isaga iyo afadiisi oo midaysan ay deeqdan Rabi Soo gasho.

Ugu danbayntii Sandeep Singh waxa uu sheegay in dhibaato kasta oo soo martayba uu isagu shakhsi ahaan ku kalsoonaa, inuu mar uun ka bixi doono oo noloshiisu wanaagsanaan doonto, wixii dedaal ah ee uu samayn karana aanu marna ka caajisin, waxa dad badan oo noloshu ku adkaato kula taliyay inay dhabar adayg u yeeshaan duruufaha isaga oo xusay in suura gal ay tahay in fursado tiisan oo kale ah am aka fiican ay heli karaan haddii ay xaaladaha u adkaystaan.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.