Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


somalia iyo somalilad ayaa wada hadlay,hiigsiga shacab-waynaha reer s/land ka wayn taasi. byahmed shadaaf ismail shirwa


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 20, 2012
siiraanyo iyo shariif baa kulmayna waxqabad baaha taasi. hadaba sedeen u arkay waxqabadkii teamka xukumada ahmed siiraanyo

siiraanyo iyo shariif baa kulmayna waxqabad baaha taasi. hadaba sedeen u arkay waxqabadkii teamka xukumada ahmed siiraanyo hogaamiyo.
waxaase farxad lahayd ciidanka qaranka iyo booliska ayaa dharkii laga badalay, dhar-kale duwanna loo sameeyay .


shacab waynaha reer s/land gudo iyo dibadba wuxuu u xagla duubnaa si ay doorasho xor ahi uga dhici lahayd dalkoda s/land taasi oo ay ku doonayeen team ama xusbi ku rida wadada horumarka  si uu dalkoodu u gaadho hiigsiga iyo himilooyinka shacab waynaha reer somaliland la rabo dhulkooda iyo dadkooda mustaqbalka. ( their aspirations )
hadaba waxaan maalmahan saxaafada dalka gudihiisa ku arkayay xusbul xaakimka kulmiye iyo team ka hada xukumada dalka hogaamiya ee uu gadhwadeenka ka

yahay   mudane  ahmed maxamed maxamud siiraanyo in ay ku doodayeen waxqabad fiican mudadii labada sano iyo badhka ahayd ee ay dalka xukumayeen,,
hadaba taasi oo ay baahinayeen in ay ka soo baxeen balamihii 65% ay shacabka ugu balan qadeen xiligii ay ku jireen mucaaridka.

hadaba maxay ahayd waxqabadkii aanka sugayay teamkan xukumada ahmed siiraanyo,. sidee ayaanse u arkay baahida bulshada sanadkii ugu danbeeyay oo aan ku sugnaa dalka gudihiisa,.maxaase aanka filayay xusbigii kulmiye markii uu hogaanka dalka qabtay.?
runtii suaashani waxay aad ukala fogaysay riyadaydii aan xusbi ahaan ka qabay iyo aragtidaydii aan indhahayga waxku arkay,

hadii aan u soo noqdo baahidii ugu waynayd ee bulshada somaliland haysatay 22sano ee u danbeeyay, dadkuna si aada u filayeen in xukumadan cusubi waxka badali doonto, waxay ahayd  7-todobadan qodob ee hoosku qoran.

1-waxaa jira  biyo la-aan xoogleh oo ilaahada taagan ha u sii darnaato caasimadii hargeysi. dadkuna jirikaamadii sidii u sitaan,  kuna urursan goobaha beebabku maraan, gaadhi xamar iyo booyadihii oo dadka intooda kale  gaadhsiiya  meelaha biyo la-aantu ka jirto ee ay haysato  beeb la-aantu, hal beeb oo ay dawladan cusubi xaafad u talaashayna ma jirto, si ay qoysas badani uga cabaan halkaa beeb,
xaaji abdi waraabe ayaa xafladii idaacada cusub lagu daahfurayay ku dardaaray madaxwayne siilaanyo waxyaabaha aasaasiga ah ee bulshadu  sugayso, waxaanu ku yidhi,dadka si dagdaga ah haloogu qabto sidii dhuumihii beebabka hore loogu samayn lahaa, warshadii sibidhkana loo furilahaa warshadkale oo sibidhka samaysa in lakeeno.
hadaba dadkuna intii hore wuu ka batay casimadiina sii balaadhatay inta badana aanay lahayn beebab mara dhulka hoostiisa, dawladii laga filayay hurumarka bulshaduna aanay wali waxba ka qaban habayaraatee,

2-  waxaa jira wadooyinkii oo wada hoghog ah, baabuurtii shacabkuna muddo yar kaga jajabayaan, waddo xumi awgeed. ilaa lix waddo oo yaryar ayay shacabka qaar guryahooga ka horsamaysteen intay lacag iska ururiyeen, lixdaa waddo midna ma gaadho hal-km. shacabkaana samaystay, sadexdii waddo ee dawladii mahamed siyaad bare dhistayna way jajaban yihiin, cidina may dayactirin intii wadanka lagu soo noqday,  laba-waddo oo halbawlaha waddanka noqonkarana shacabka somaliland guddo iyo dibadba  ayaa lacag iska soo ururiya oo  dhisaya , waana  waddada xeebta marta ee ilaa jabuuti gasha ,( dawga cad)  waddada kalena waata burco iyo hargeysa isku xidhaysa. dawladuna cagafcagafyada ayay ku caawisaa, ee waxdawladi shacabkeeda u waddo maaha, waxaana la odhankaraa dawladii wadooyinkii dalka waxba kaymay qaban, halwaddo ah oo layidhi dawlada ayaa iskeed u dhistayna maan arag mana jirto. waddo cusub oo ay hadda wadana habasheegin, indhahaygu may qaban, dhagana kumaan maqal,

3-dhakhtarkii hargeisa oo wax isbadal ah ama dhisme cusubi aan ka dhaxmuuqan , balse hoolalkii hore uun la nuuradeeyay oo la dayactiray, waxaanan ku arkay  dhakhtarkii baahidii  oo sidii u taalo, waxaan moodayay in dawladu dhismihii hore badalayso, oo dhisme ayaa ka socda markaan maqlay waantagay waxaanan arkay dhismihii hore oo gaboobay oo la nuuradaynayo, waan yaabay, waayo waxaan u haystay in dawladu fooq dabaqa ka dhisayso  oo dhismihii hore la badalayo,
maadama uu dhakhtarkii guud ee dalka uu yahay , aadna ay u haboontahay in bilicda dhakhtarka la dhawro, dhinaca kale dhakhatiirta ka hawlgala dhakhtarka wayn ee hargeisa farmasiiyo ayay wada leeyihiin , daawooyinka bukaanka dibada ayaa loogu doontaa wali farmasiiyada dhakhaatiirtu leedahay, dawladan cusubina wali waxba kamay qaban baahiyihii aasaasiga bulshada intii dadku ka filayeen xukumada ahmed siilaanyo hogaaminayo,

4-shaqo la-aan baaxadleh oo ka jirta guud ahaan dalka, iyo xukumadii oo kaga dhabaysay dawlad yar oo tayo leh ayaanu dhisidonaa marka aanu talada dalka qabano, taasina hada ay dhintay shaqaalihii dawlada ama haayadaha laamaha dawlada,halkaasina ka soo baxday shaqo yaraan sii korodhay. wax shaqo abuura oo ay wali samaysay dawladan cusubi  majirto habayaraatee.

5- bilicda caasimada hargeysa oo aad u liidatay . markii aan ku arkay caasimada dhaxdeeda qashin wadooyinka yaalay , iyo dadkii oo aad uga cabanaya sobobta qashinka magaalada looga guri laayahay, intaa kadib waxaan booqday dawladaha hoose iyo laamaha waaxyaha xaafadaha , waxaan arkay  shaqaalihii oo ku mashquulsan dacwad jago, ama dhul la isku haysto ,  wax baabuur ah oo dadka qashinka ka gura malaha iyo damdamisyo malaha. dhawr cagafcagaf ayaa agyaalay,
laakiin malaha - (garbage can ) weelka qashin qubka iyo ( garbage truck ) gawaadhida qashinka gura, waxaa inta badan dadka qashinka ka gura iskarogooyinka shacabku leeyihiin oo lacag ka gura kolba cidii ay qashinka kaqaadayaan, dadka qaarbaan awoodin lacagta qashinka iskarogadu kaga gurayso, inta badana dadku ma garanayaan meesha ay iskarogadu qashinka ku soo qubto. taasina waa dhibaatooyinka hada jira,  takale bilicdii caasimada waxaa u dheer xadhkihii laydhka iyo telephonada oo cadceedii kaa qarinaya  farabadni awgeed, bilicdiina aad usii bahdilay dawladaha hoose iyo tadhexeba aanay wali waxba ka qaban , habayaraatee.

6-xaga cadaalada wali waa sidii, oo hadii police lacag lasiiyo oo layidhaa ninkaasi soo xidh waad xidhantahay, iyada oo aan waxkiisa dawladu kugu soo oogin, jeelasha iyo xarumaha booliska , waxaa ku xidhan dad rumaan loo soo xidhay , rumaankuna waa 7 ilaa 14 cisho gudohood  ugubadnaan sida sharciga caalamigu dhigayo , dadbaa bilo iyo sanado rumaan u xidhan, xukumadana wali waxay ka qabatay ma jirto, habayaraatee,waxaasoo dhana waxaa sobobaya policekii oo daranyo ka muuqato, dharka cidi kama badasho, dharkii ciidanka qaranka oo kale ayuu xidhan yahay,muu arag dharka policeka u gaarka ah, askarigu muu arag xeerarka police leeyahay lamana barin, xukumadan cusub ayaa la filayay in ay policeka iyo ciidanka qaranka dharkooda kala saarto. darajadii ay ciidanka ugu balan qaaday xiligii mucaaridka iskaba daaye.

7- wasaarada arimaha dibada hadii aan waxyar ka yidhaahdo wasaarada arimaha dibada oo runtii ah wasaarada kaliya ee aynu maanta aadka ugu  baahanahay in aynu xooga saarno  xaga arimaha dibada  maadaama aynu nahay dalcurdin ah oo doonaya in warkoodu iyo waxa u qabsoomay  lagaadhsiiyo bulsho waynta caalamka, hadaba waasidee  fikirkayga aanka qabo wasaaradan arimaha dibada ee xukumadan ahmed siiraanyo hogaaminayo,
wasaaradan arimaha dibada maan arag iyada oo u shaqaynaysa sidii wasaarad dawladeed oo caalamka kuleh xidhiidho( diplomacy )dibloomaasiyadeed.  marka laga reebo afar-dal oo kaliya oo wakiilo u joogaan , afartaadal oo kala ah D-jabuuti ethoipia kenya iyo engriiska,halka ay wasaaradii hore ee arimaha dibada daahir riyaale ay ku lahayd wadamo badan oo aduunka kamida, sida   africa yurup america asia-eshiya  sida malaysia india china jaban bangaladhash, africana wadamo badan south africa nigeria masar libiya tunisia sudan iyo dhamaan wadamada la jaarka ah somaliland , xaga yurubta scandanevia wadamo badan ayay ku lahayd america wadamo ilaa 3sadex gaadhaya , wasaaradan arimaha dibadu wada shaqayn lama laha safaaradihii hore ama wakiiladii hore, sidaana wayku baaba-een , kuwo kale oo  cusubna umay samayn, haddii ay maanta dhacdo in la yidhaahdo somaliland in ay somalia ka go´do waxaa u codaynaya aduunwaynaha sida caalamku intiisa badani ku shaqeeyaan,ama  sidii singapure uga go´day malaysia ee aduun waynuhu u codeeyay singapure maka gu´i kartaa malaysia YES or NO.waxaa markaa badatay YES.sidaasbayna kaga go´day singapure malaysia, hada somaliland ma afar dal ayaa inoo codaynaya, oo taageeraya badaxbanaanida somaliland , maya maya ,hadaba muwaadin ogaw waydhacdaa taasi wayna dhacaysaa hadhaw marka dawlad tayo leh yeeshaan somalia,  way dhacaysaa in somaliland looga codeeyo aduunwaynaha ama dawaladaha ka mida ah dunida oo laguu waydiinayo u codee somaliland in ay ka go-ayso somalia YES or NO. wasaaradan arimaha dibadu jidkii wasaaradeed ma haysato ee hala toosiyo iyadana intaa wakhtiga uga hadhay.inta ay wax goorigoori yihiin., 

hadaba muwaadin aniga oo fikirkayga u xor ah in aan soo bandhigo , siyaasadna aanay iga ahayn, waxaa  aad ii damaqday sida uu dalkii yahay iyo dhibaatooyinka xooga leh ee aan waxba laga qaban , haddii laga qaban lahaana ay aad u fududahay , waayo hadii aad tidhaadid waxaasi way igu culustahay waligeed way kugu cuslaan uun , hadii aad tidhaahdid waa wax si fudud loo qaban karona si fudud ayaa loo qaban karaa . hadaba maanta  oon arkayo wadooyinkii dalku siday yihiin , caafimaadkii halka uu marayo biyo la,aantii wali taagantahay dawladuna leedahay ceelalbadan ayaanu qodnay , caasimadiina aan halbeeb meel la dhigin, waatacab khasaar,  dawladani in ay isgaabiso ayaan ka eegayay maadama oo dhibtii wali taagan tahay , kamaan filayn faanfaan, iyo i arkaay, iyo waanqabtay balantii 50% inka badan , sida dadwaynuhu u arkayana 5% ayaa la odhankaraa waxqabadkooda,

jaanisyada ay heshay xukumadani makula tahay in aanay soo marin dawladihii ka horeeyay, maxaase lagu qiimayn karaa dawladihii kahoreeyay marxaladihii ay kala soo dabaasheen dalka iyaga oo aan waacimooyin shisheeye aan heli jirin cashuurtana  sida hada loo ururiyo aan dadku ula qabsan.
hadii aan waxyarka soo xusuusto xukumadii mahamed ibrahim cigaal,allah ha u naxariistee, isaga oo muddo sanadka yar dalka xukamayay wuxuu sameeyay ciidan qaranka taarikhdu markay ahayd 2/2/1994 wuxuu hubka dhigis ku sameeyay beelaha somaliland  taarikhdu markay ahayd  25/9/1994, maalintaasi miisaaniyad dawlada u soo hoyanjirtay may jirin, dhaqaale beesha caalamku ina siiyaana mayjirin,dawladan hadda jirta ee ahmed mahamed siiraanyo hogaamiyo horumarkale iskabadaaye buuhoodle ayay la rafanaysaa iyada oo heshay miisaaniyad dhan boqol iyo toban milyan,dollar sanadkii, oo ay u dheertahay caawimada ay ka helayso beesha caalamka,haddii ay sidaa ku sii socotana xukumadani baalmadaw ayay taariikhda hodanka ah ka galaysaa,waxaan aad uga warwarsanahay khatarta ku soo foolleh,haddii xukumadani sidaa kusii socoto.


ahmed shadaaf ismail shirwa
shadaaf@gmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.